Boobe Yusuuf Ducaale Oo Ka Hadlay Guddida Uu Madaxwayne Silaanyo Magacaabay Kana Dhawaajiyay Inaan Lagala Tashan

0

Arabsiyo News— Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Wadani Muj Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale Boobe Ayaa Madaxwaynaha jsl somaliland Axmed Siilaanyo Umagacaabay in uu kamid noqdo Gudida Ictiraaf Raadinta Somaliland oo ah Gudi Heer Qaran Ah,

Hadaba mar ay warbaahintu wax ka waydiisay sida uu u arko Magaaabista Uu Madaxwayne Siilaanyo u magacaabay kamid noqoshada gudidan ictiraaf raadinta ayaa wuxu kaga Dareen celiyay.

“Horta Waan Maqlay in laygu daray gudi uu madaxwaynuhu u Magacaabay Arimaha ICTIRAAF RAADINTA Horena laygalama tashan magacaabistayda, balse markii aan la tashaday Inta Iigu Mudan ee la tashaday xisbigaygii lana Xidhiidhay Gudomiyihii Xisbiga , Gudiduna Ay Tahay mid ka Shaqaynaysa Dan Qaran Ee Aanay mid cid Gaara u Adeegaysa Waan Aqbalay kamid Noqoshadeeda, Xilkii Aan u hayay Xisbigayga iyo kamid Ahaan shihiina waa halkiisi oo wax iska kay badalay Ma jirto ayuu yidhi Muj Boobe”ayuu hadalkiisa kusoo koobay Boobe Yuusuf Ducaale

SI kastaba ha ahaate Masuuliyiintan labada xisbi mucaarad eek u jiray digreetadii uu madaxwayne Siilaanyo Ku magacaabay gudida heer qaran ee ictiraaf raadinta Somaliland ayaa si wayn usoo dhaweeyey kamid ahaanshiyahooda

Arabsiyo Desk
Arabsiyonews@gmail.com