Arabsiyo News–Ciidamada Shiinaha ayaa la sheegay in ay gantaalada lidka diyaaradaha ay ku rakibteen jasiirada Woody Island oo ku taal bada Koonfurta Badda China (South China Sea) oo ay isku heystaan dowlada Aasiya qaarkood sida Vietnam iyo Taiwan.
Shiinaha ayaa sanadihii lasoo dhaafay awoodiisa ku balaarinayey jasiiradaha ku yaal koonfurta badda China, jasiiradaha halkaasi ku yaal oo la rumeysan yahay inay ku jiraan khayraad dabiici ah ayaa waxaa sidoo kale sheegta wadamo kala duwan ee qaarada Aasiya.
Tilaabadan ay ciidamada Shiinaha hubka culus ku geeyeen jasiiradan ayaa lagu soo beegay xili gobalka California ee dalka Maraykanka lagu soo gaba gabeeyey shir ay yeelanyeen hogaamiyayaasha dalalka Koonfurta & Bariga Aasiya oo uu marti geliyey Madaxweyne Barack Obama.
Maraykanka ayaa sanadihii lasoo dhaafay sare u qaaday ciidamada kajooga qaarada Aasiya si uu ugu babac dhigo awooda militariga Shiinaha ee qaaradaasi kusii fideysa, wuxuuna Maraykanka sheegay in Shiinaha uusan xaq ullahayn inuu awood ciidan kula wareego jasiiradaha la isku heysto.
Wuxuu Maraykanka sidoo kale u balan qaaday dalalka uu iskaashiga la leeyahay ee Qaarada Aasiya inuu ka difaaci doono wixii khatar ah oo uga timaada China.
Shiinaha ayaa dhankiisa marar badan digniin u diray Maraakiibta iyo Diyaaradaha Maraykanka oo ay ku eedeeyeen inay marar badan kusoo xadgudbeen badooda iyo hawada, iyagoo sheegay in Maraykanka basaasid ku wado dhismaha Shiinaha ka dhisanayo jasiiradahan. Walow Maraykanka uu sheegay in badaasi shiinaha sheeganayo ay kamid tahay biyaha caalamiga ah.
Arabsiyo Desk
Arabsiyonews@gmail.com









