Borama (AN) waxaa maanta oo sabti ah gobalka Awdal iyo degmooyinka hoos yimaada si rasami ah uga bilaabmatey diwaan galintii cod bixayaasha .
Saddexda xisbi ,kominshanka Doorahoyinka Somaliland iyo maamulka gobalka ayaa waxaa ay kormeer indho indheen ah ku soo mareen goobaha ay diwaan galintu ka socoto ee magaalada Borama .
Intaasi ka dib saddexda xisbi , kominshanka doorashooyinka iyo maamulka gobalka Awdal waxaa ay si wada jir ah ula hadleen warbaahinta waxaana ay sheegen in ay Guud ahaan gobalka Awdal ay si habsami ah uga socoto diwaan galintu isla markaana waxaa ay bulshada ku wacyi galiyeen in ay qaatan kaadhka cod bixiyaasha oo u ogaalanaya in ay dooran karaan qofkii ay rabaaan.
Ugu horeyn gudoomiyaha kominshanka doorashoyinka Somaliland Cabdirqaadir Imaan oo halkaasi ka Hadley waxaa uu xusay in 14 gobood oo ku yaala gobalka Awdal isla markaana ay soo kormeeren ay hawshu si wacan uga socoto iyo guud ahaanba gobalka Awdal waxaana uu yidhi
“Maalin weyn bay noo tahay maanta hadii aanu nahay kominshanka doorashoyinka waa gobalkii labaad ee ay diwaan galintu ka bilaabmato waxaana ay bilaabmatay saaka oo sabti ah lixdii subaxnimo, waxaanu kormeer ku soo marnay goobihii diwaangalinta ee magaalada Borama si habsami leh bay uga socotaa shaqaalihii iyo qalabkiina si wacan ayuu u shaqeynayaa waxaana dadweynaha rer Awdal fareynaa is diwaan galiyaan ” ayuu yidhi Gudoomiyaha kominshan doorashoyinka Somaliland Muddane Cabdiqadir Imaan Warsame
Dhinca kale Gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro waxaana uu bulshada rer AWDAL ugu baaqay in ay qaatan kaadhka codbixiyaasha waxaana uu yidhi “runtii waxaynu iskugu nimid arin qaran oo ah diwangalinta codbixiyaasha maanta gobalka AWDAL iyo SALAL si rasmi ah uga bilaabmatey waxaan marka hore uu hanbalyeynayaa shacbiga gobalkan ee ay ka bilaabmatey diwaangalintu sida wacan ee ay ugu diyaar garooben waxaana shacbiga aan leeyahay si wacan ayey noogu bilaabmatey ee aynu dhameys tirano si wacana aynu isku diwaan galino” ayuu hadalkiisi ku soo koobay gudoomiye Ciro
Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi oo ka mid ahaa masuulyiinti madasha ka hadashay waxaa uu sheegay in ay maanta tahay maalin taarikhda ku suntan waxaana uu yidhi “ waa maalin taariikhi ah oo ku suntanaan doonta tariikhda Somaliland oo isdiwan galintii codbixiyaasha ayaa si nabad ah uga bilaabmatay gobalka Awdal insha allehna si nabad ah ayey noogu dhamaan doontaa “ ayuu yidhi gudoomiye Muuse Biixi .
Xogahaya xisbiga UCID Cabdinasir Qodax oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu yidhi “maanta waa maalin weyn waa maalin qaran ilahay baana aynu ugu mahad naqeynaa in si wacan ay inoogu socoto isla markaana goobihii iyo shaqalahu ay si wacan shaqadii u wadaan waxaana aan bulshada gobalkana ugu baaqaya in ay kaadhkaasi qaatan si ay awood ugu yeeshan in ay hoogimayaha ay doonan ay u doortan “ ayuu yidhi xogyaha xisbiga UCID Cabdinasir Qodax
Gabo gabadii gudoomiyaha gobalka Awdal Maxamuud Cali Saleeban Ramaax oo halkaasi ka hadlay waxaa uu sheegay in diwaangalintu si habsami ah uga socoto gobalka Awdal isla markaana ay kormeer ku soo mareen waxaana uu yidhi “Runtii saaka waa furi taankii ama bilowgii diwaan galinta si wacan ayey inoogu bilaabmatey waana aanu soo wada marnay goobihii ay diwaan galintu ka socotey “ ayuu yidhi gudoomiya Gobalka Awdal Mr.Ramaax








