dhicid mobile”asalama calaykum , asalama calaykum, asalama calaykum, asalama calaykum”
hello , hello”ma guluf ahmed kooshin baa?” haa, waa kuma “Qofkaad waayadanba baafinaysay baan kaaga wadaa warbixin”…….
farxad lalama duulo, naxdina looma dhinto, waan ilmeeyey, waan qosol gariiray, waxan fadhiga uga boday sida wiil 20 jir ah, sawirkii gobaad baan maskaxadayda ka badhay waxayna i hor timid siday shalay iskugu kaayo danbaysay, in kaste oonan wehelkaygii arag 30 sano oo dhadhow hadana mar qudha ma iloobin qosolkeedii beertabashada lahaa, ma ilaabin siday wajiga u dadbi jirtay markay khajisho, ma ilaabin sida haybada leh ee ay talabada u qaadi jirtay, ma ilaabin mana ilaabi karaayo malintii iskugu kaayo danbaysay!
3 April 1986 4:30 galabnimo waxan soo gadhay Hargeysa waxan toos u aaday gurigay oo ku yalay xafada Goljano, wax albabka hortisa kula kulmay gobaad. salan iyo is xaal waraysi ka dib waxan gobaad u sheegay inaanu dalxiis u kaxaynaayo gaynaayna buuraha il qabashada leh ee waqooyiga hargeysa teedsan. dhawr cisho oo nasho ah ka bacdi waxan soo kireeyey gaari land drover ah aniga iyo gobaad waxanu afka saarnay dawga ah.
waxanu soconaba waxanu gadhay meeshii ii qorshaysnayd, taandho aanu wadanay waxanu ka dhisanay marka sidaa looga dhaadhaco dawga cad meel banan ah oo afarta jihaba buuro dhaadheeri kaga wareegsanyiin, dhulku waa barwaaqo, sida muuqada dhawr cisho ka hor buu maahiigan maansheeyey arladan, wali xareedii baa wadhan, in kaste oo ayna ishayadu qabanayn waxan maqlaynaa cadoodka kala duwan ee ugaadha iyo shimbiraha.
xaaskeygii gobaad intay tandhada gudaheeda kala hagaajinaysay aniguna waxan diyarinayey cunto yar oo fudud iyo cabitaan, waxanu sali dhiganay gadhiganu wadanay dhiniciisa galbeed, siday sheekaba sheeko nagu dhibaysay waxay gadhay casar liiq. waxayna cadceedii ood mooda inay gacantu gadhayso ku sii dhacaysaa hogeedii, waxana naga xiga buuro aad u dhaadheer, waxayna ishayadu qabanaysaa shimbiro u wada socda koox koox kana gadhay hoygoodii intayna ced ceedu libdhin, waxan meel aan sidaas nooga fogayn ka ciyaaya coodad aan ayahan kuwaanu saaka maqlaynay !!!
ilbidhiqso yar gudahood waxa isa soo qabsaday duruuro aad madowga yaabto, waxa guux iyo gariir ka soo socda dhanka waqooyi qiyaasi kari maysid, waxad arkaysaa danab qabsanayaa buuro ili qabatay noo jira, hilaaco markuu walalac yidhaa meeshuba dharar bay noqonaysaa, in kaste oo ayna dhibicda roobku na soo gadhin wali,in yar ka bacdiba waxa na qabsaday gudgude








