Gudoomiyaha Xafiiska Imtixaanaadka Somaliland Oo Fariin U Diray Bahda Imtixaanaadka Ee Wadanka Turkiga

0

Arabsiyo News—Gudoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka somaliland Daa,uud Axmed Faarax ayaa  ugu baaqay Dawlada Turkiga in guddida imtixaanaadka u qaabilsan wadanka Turkiga si weyn loo fahamsiiyo nidaamka waxbarasho iyo imtixaan ee dalka somaliland.

Gudoomiyaha oo maanta ka hadlayey kormeer ay ku tageen dugsiga uu Turkigu ka hir geliyey magaalada Hargeysa ee Nile Academy  ayaa waxa uu sheegay inay muhiimn tahay in wadanka Turkigu kala garto somaliland iyo somaliya isla markaana ay yihiin laba dal oo kala madax banaan isla markaana ay isku manhaj ahayn waxaana uu yidhi gudoomiyuhu isagoo arimahasi ka hadlaya sida tan

” ”Waxaan jecelahay  inaan dawlada Turkiga u sheego maadaama oo dugsigooda magaalada Hargeysa uu sanadka u fadhiisanayo imtixaanaadka, waxaan ogahay xeer ayey leeyihiin Turkigu oo guddi imtixaanaad ayey leeyihiin sida aynu inaguba u leenahay, sidaas darteed imtixaan ayey doonayaan  inay qaadaan mustaqbalka markaa waxaan doonayaa in aad loo fahamsiiyo  inaanay iskaga qaldamin guddida imtixaanaadka Turkiga wadamada   somaliland iyo somaliya, Xamarna ay caasimad u tahay somaliya  somaliland-na ay caasimad gaar ah leedahay  waana inay ku tala galaan arintaas.”Gudoomiye Daa’uud Axmed

Gudoomiyuhu isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaa ku daray

” ”Aniga gudoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka somaliland waxaan doonayaa in la ogaysiiyo guddida imtixaanaadka dalka Turkiga inuu somaliland ka jiro guddi la mid ah oo caalami ah oo imtixaanaadka qaranka qaabilsan.”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay gudoomiyaha imtixaanka qaranka somaliland Daa’uud Axmed faraax

 

Arabsiyo Desk

Arabsiyonews@gmail.com