Madaxweyne Siilaanyo Oo Safiirada Norwey, Holland iyo Denmark Nairobi U Fadhiya Hargeysa Ku Qaabilay

0

Arabsyiyo News—–Madaxweynaha JSL Md Axmed maxamed maxamuud Siilaanyo ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Hargaysa ku qaabilay safiiirada Dalalka Norwey, Holland iyo  Denmark u fadhiya Magaalada Nairobi  oo ay wehelinaysay  sarkaalka Dawlada Ingiriiska u qaabilsan kaalmada Afrika, waxana kulanka lagaga wadahadlay arimo ay ka mid yihiin deeqda sanduuqa dhaqaalaha Somaliland, hirgelinta Diiwaangelinta iyo Doorashada iyo mashaariicda kale ee arimaha bulshada iyo kaabayaasha nolosha aadamaha ee wadamadani ka taageeraan somaliland.