Somaliland:Diyaarado Hakiyay Duulimaadkii Muqdisho iyo walwelka laga qabo xaalada amaan ee garoonka Aadan Cade

0

Arabsiyonews:- Guud ahaanba diyaaradihii isticmaali jiray garoonka Muqdisho ayaa joojiyay duulimaadkii ay ku tagi jireen garoonka Muqdisho ee Somalia.

Madaarka caalamiga ah ee magaalada Hargaysa ayaa maanta oo Arbaca ah  laga dareemayaa mashquul xoogan,kadib markii diyaarada Jubba Express oo rakaab u waday magaalada Muqdisho ee dalka Somaliya ku dajisay.

Diyaaradan ayay baajisay socdaalkeedii magaalada Muqdisho kadib markii cabsi amaan soo foodsaartay,waxaanay ka cudur daaratay inay u gudubto magaalada Muqdisho.

Dhinac kalena Turkish Airline ayaa iyaduna rakaabkii ay ku waday magaalaada Muqdisho ee dalka Somaliya ku rogtay magaalada Djibouti.

Dhinac kale, diyaradii maalintii shalay gubtay iyadoo ka kacday Madaarka Muqdisho ee shirkada Daalo ayay xukuumada Somaliya sheegtay in la baadhayo,iyadoo wararku sheegayaan in la helay maydka nin ka soo dhacay diyaaradda.

Arintan ayaa ku soo beegmaysa khilaaf xoogan oo dhinac hawada ah oo kala labada dale e Somaliland iyo Somaliland,kadib markii  taliyaha laanta socdaalka Somaliya sheegay in la hakiyay duulimaadyadii magaalooyinka Muqdisho iyo Hargeysa taasi oo Somalilandna kaga jawaabtay inaanay waxba u dhimayn dhinacooda.

Arabsiyonews.com

Hargaysa Office