Arabsiyo News—Waxaa Maanta laamiga hormara Xeradii hore Ciidanka Cirka Afesiyooni ee magaalada Muqdisho ka dhacay shil gaari oo naxtin leh, kaa uu ku dhintay Sargaal katirsanaa Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya.
Sargaalka shilka ku dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Yuusuf, waxa uuna katirsanaa Wasaarada Maaliyada Qeybta Kastamka Dekeda Weyn ee Maagalada Muqdisho, shilka ayaa yimid kadib markii gaarigii uu ka baxay jidkii uu ku socday kuna dhacay mid kamid ah Baalayaasha Cadceeda ku shqeeya ee laamiga ku dhax yaala.
Gaariga ayaa si xun ugu dhacay Baalaha laamiga ku yaalay kaa oo sababay in uu gaariga kusoo laabmo baalaha, waxaana gaariga laga soo dhax saaray sargaalka Wasaarada Maaliyada ka shaqeenayay isaga oo isla goobta ku geeriyooday.
Magaalada Muqdisho ayaa xiliyada qaar waxaa ka dhaca shilal gaari oo sababa dhimasho iyo dhaawac , kaa oo ka dhasha qibrada darawalada oo aad u yar sidoo kale gawaarida si xoogan ugu dhax wada laamiyada magaalada oo ah inta badan kuwa mashquul badan.











