Madaxwaynaha Jubbaland Oo Shaaciyay Inay Dhawaan Qaadi Doonaan Hawl Gallo ka Dhana Xarakadda Alshabaab

0

Arabsiyo News—Madaxweynaha Jubbaland Ax’ed Madoobe Islaam [Axmed Madoobe] ayaa sheegay in ay isku diyaariyeen Hawl-gallo ka dhan ah Al-shabaab, kaasoo dhawaan ay ku qaadayaan deegaannada ay ka maamulaan Gobollada Jubbooyinka.

Axmed Madoobe ayaa intaa ku daray inay qorshahan muddo fog ka baaraan-dagayeen, isla markaana maalmaha soo aaddan la qaadi doonaan talaabooyinka Al-shabaab looga saarayo deegaanada Jubbooyinka ee ay hadda ku sugan yihiin.
“Waxaanu dhawaan qaadaynaa howl-galladii Wabiga Jubba, ciidamadeennu waa diyaarsan yihiin, qorshahanna muddo fog ayaa lasoo dajinayay,” ayuu Axmed Madoobe ku yiri hadal uu warbaahinta siiyay.
Sidoo kale, madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo inay ka helaan taageero Ciidamada AMISOM, laakiinse wuxuu tilmaamay in isku tashan doonaan ciidan ahaan.
Dhawaan ayaa Waxaa Gaaray Magaalada Kismaayo Ciidammo ka socda Itoobiya; kuwaas oo qayb ka ah howlgallada Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM], balse ma sheegin madaxweynaha Jubbaland in ciidamadaas ay Hawgalladaan qayb ka noqon doonaan iyo in kale.
Ciidamada dalka Kenya oo horay ugu sugnaa Kismaayo ayaa iyagana la sheegay inay qayb ka yihiin hawl-galka, inkastoo Toddobaad ka hor ay isaga soo baxeen Saldhigyo ciidan oo ay ku lahaayeen Deegaanka Buulo-gaduud iyo Degmada Badhaadhe oo Gobolka Jubbada Hoose ka tirsan.
Inkastoo hadalka madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uusan ahayn kii u horreeyay oo uu ku sheego inay howlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka fulin doonaan Jubbooyinka oo dhan.
Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa waxay Maamushaan Deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose, Inkastoo ay gabi ahaa Gobolka Jubbada Dhexe uu haatan Xarakada Al-shabaab ugu jiro gacanta.