Arabsiyo News— Waxa maanta Heshiis ku dhex maray magaalada Arabsiyo, Dawlada hoose iyo shirkada nadaafadaa Badbaado Arabsiyo, heshiiskaasi oo ahaa inay ay shirkaaasi ay ka uruuriso magaalada xashiishka, xashiiskaasi oo noqday mudooyinkii u dambaysay mid ay la tacaalaysay dawlada hoose duruufo jira awgeed, waxay go’aan ku gaadhay inay ku wareejiso Shirkadaasi Masuuliyada ka ururinta xashhiishka., waxay ku heshiiyeen Qodobo Dhawr ah oo ay isla afgarteen Maamulka Dawlada Hoose iyo Maamulka Shirkada Badbaado waxa kale oo dhanka dawlada hoose saxeexay dhamaan Masuuliyiinta ugu saraysa oo kala ah:-
Gudomiyaha Degmada Arabsiyo: Cabdilaahi Cabdi faarax
Gudoomiye ku xigeenka Degmada Arabsiy: Mustafe Xaamud Balax
Xoghayaha Dawlada Hoose: Maxamed Habane Giryaad.
Dhanka kale Mulkiilaha Shirkada Nadaafada Badbaado Arabsiyo {SNBD}, Mawliid Maxamed Nuur ayaa iskaguna dhankiisa saxeexay.
Waxa laga rajaynayaa Shirkada Nadaafada Badbaado Arabsiyo {SNBA} inay noqoto tii Magaaladeeda ku dadaasha Nadaafadeeda, waxa kaloon ka rajaynaa inay noqoto tii magaalada Arabsiyo raacisa Qayrkeed horumarisana magaalada.
Abdifataah Mohammed Giryaaad
Arabsiyo Main Officer
Contact us:
Phone: 063-4654654
E-mail: Arabsiyonews@gmail.com









