Arabsiyo News–Xildhibaan Maxamuud Warsame Jamac Oo kamida xildhibaanada golaha deegaanka degmada ceerigaabo isla markaana ah xildhibaanka ugu da’da yar Xildhibaanada Dalka ayaa ka warbixiyay Doorka muhiimka ee ay dhalinyaradu ku leedahay maamulka dalka.
Waxaana uu xildhibaanku sheegay inuu yahay sanadkii 2012 sanadkii uu ka furmay dabarkii ku xidhnaa dhalinyarada kadib markii ay mudanayaasha golaha wakiiladu cod aqlabiyada ku ansixiyeen xeerkii golayaasha deegaanka waxaana uu xildhibaanku dhalinyarada somaliland ku dhiiri galiyay inay aaminaan dalkooda hooyo ayna ka faa’idaystaan jaaniskooda waxaana hadaladisii kamid ahaa sida tan.
“sanadkii 2012 waxaan odhan karnaa waa sanadka kaliya ee ay dhalinyarada somaliland ku leeyihiin sanadihii 24 sanadood ahaa, waaana sanadkii laga jabiyay darbigii iyo dabarkii siyaasadana laga furay, oo ay dhalinyaro badan oo aan kamid ahayna ka faa’idaysteen. Taasina waxay dhaxalsiisay dhalinyarada inay magaalooyin badan oo somaliland ah maayaro ka noqdaan, runtii doorashadi golaha deeganka ee sanadkaaana waxa ugu badan ee ka faa’idaystay waxay ahaayeen dhalinyarad, magaalooyinka ay dhalinyaradu kasoo baxeena waa magaaloyinka ugu horumarka badan somaliland. Waxanaan dhalinyarada somaliland meel kaste oo ay joogaanba leeyahay aamina dalkiina hooyo oo ka faa’idaysta Fursadaha idin soo maraya, xaqna waad u leedihiin inaad ka qayb qaadataan talada dalka Dadaala oo horumar sameeya ayaa ku baraarujinaya dhalinyarada somaliland.”Sidaas ayuu dhahay xildhibana maxamuud.
Dhanka kalena isagoo xildhibaanku hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu ka xog waramay xaalada guud ee degmada ceerigaabo oo ah degmadii laga soo doortay waxaana uu yidhi.
“Xaalada ay hada ku sugan tahay ceerigaabo waa mid xasiloon oo nabad galiyo ah,waana gobolka ugu balaadhan ee somaliland, sidoo kalena waa gobolka u fog gobolada somaliland, Inkastoo Xaga Baadka iyo Biyahana Abaaro sidaa usii baahsani aanay ka jirin, Harumar balaadhan ayaa ka socda dhan kasteba magaalada ceerigaabo nabad iyo amni ayaa lagu wada naaloonayaa” Xildhibaan Maxamuud Warsame
Gabagabadiina Waxa uu xildhibaanku carabka ku dhuftay inay mar labaad ka go’an tahay inay u tartamayaan golayaasha deeganka marka la gaadho waxaana uu yidhi.
“sanadkii 2012 oo aha sanadkii ay tartanka golayaasha deegaanka dhalinyaradu ka qayb qaadatay guul aad iyo aad u balaadhan ayay kasoo hoyeen runtii mar labada iyo mar sadexaadna waan u tartamaynaa si aan kor ugu qaadno hamigayaga siyaasadeed, waxaanad sida ugu dhakhsaha badan arki doontaa magaalooyinka somaliland oo ay dhalinyaro wada maamusho waana hamigayaga dhalinyaro ahaan:”
Si kasteba ha ahaate xildhibaan Maxamuud Warsame jamac oo ah xildhibaan laga soo doortay magaalada ceerigaabo ayaa kamid ahaa dadwayne tiro badan oo abaal marino kala duwan la gudoonsiyay loona aqoonsaday xildhibaanada guulaha waa wayn kasoo hooyay degmooyinkii laga soo doortay








