Wariye Xabsiga Loo Dhigay Maydadka Askar Kenyaati Ah Sawirradooda Uu Ku Baahiyey Facebook-ga

0

Arabsiyo News–Wariye u dhashay dalka Kenya ayaa xabsiga la dhigay, kadib markii uu baraha bulshadu ku xidhiidho uu ku daabacay maydadka sawirradii weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadday saldhig militeriga ee ciidamada dalka Kenya ay ku lahaayeen deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo ee Soomaaliya.

Wariyaha ayaa lagu magacaabaa Yassin Juma,waxaana uu ku daabacay internetka sawirro muujinaya maydka askarta Kenya looga dilay deegaanka Ceel-cadde,sawirada ayaa waxaa ka mid ahaa maydadka askar badan oo Kenyaati ah oo dhulka wadhan iyo baabuur militeri oo gubanaya.
Dawladda iyo Masuuliyiinta dalka Kenya waxay shacabka uga digeen in aanay soo daabicin sawirrada weerarkaasi oo ay sheegeen in loo arko kuwo wax u dhimaya ammaanka dalka Kenya.
Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay inay weerarkaa ku dileen in ka badan 100 askari,halka dawladda Ingiriisku aanay illaa hadda wax hadal ah ka soo saarin weerarkaasi.

Arabsiyo Desk