Arabsiyo News–Mid ka mid ah Ciidanka Difaaca Israel, ayaa Sabtidii toogtay oo dilay gabar 13 jir Falastiini ahayd. Askarigan oo goob ilaalinaayay ayaa rasaas ku dhuftay gabadhaasi.
Booliska Israel, ayaa sheegay gabadhaasi oo lagu magacaabi jiray Ruqqayah Eid, in ay weerartay askariga, xilli ay mindi ku hubeysneyd, ayna dooneysay inay disho.
Haweeney u hadashay Booliska Israel ee ka hawlgala dhulka ay Israel xoogga ku haysato ee Daanta Galbeed, laguna magacaabo Luba Samri, ayaa sheegtay in askarigu uu iska difaacay gabadhaasi.
Luba Samri oo la hadashay Warbaahinta, ayaa waxay sheegtay in Ruqqayah Eid uu qorshaheedu ahaa inay mindada ku waxyeeleyso askariga, iyadoo intaa ku dartay inay Ruqqayah ku carartay halkii uu askarigu ku sugnaa.
Ciidanka Israel, ayaa xabsiga u taxaabay aabaha dhalay gabadhaasi, markii uu halkaasi tagey, isagoo baadigoob ugu jiray gabadhiisa yar.
Saddexdii bilood ee la soo dhaafay, ayaa xiisadda Falastiin iyo Israel waxaa lagu dilay 182 qof. 155 ka mid ihi waa Falastiiniyiin, halka inta kalana ay Israeliyiin ahaayeen.
Dadka gobonimo doonka ah ee reer Falastiin, ayaa ka dagaalamaaya xoogga ee Israel ku haysato dhulkooda. Israel waxay deegaameen ka wadaa dhulka Falastiiniyiinta.



Arabsiyo Desk








