Xukuumadda Somalia oo ka hadashay Weerarkii Liido & khasaaraha dhimashada oo gaaray 25-qof

0

Arabsiyo News—Wasiirka Amniga gudaha Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in la soo Af-jaray Howl-galkii Xeebta LIIDO, halkaasoo ay xalay weerareen xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Howlgalka oo socday muddo 10-saac ah, ayaa waxaa ku dhintay 25-ruux oo ay afar ka mid ah yihiin xoogagii weerarka ku qaaday baar Liido Sea Food, iyadoo saddex mid ah dadkan ay dhaawac ahaan ugu geeriyoodeen isbitaalka Madiina.

Sidoo kale, Wasiirka Amniga ayaa sheegay in la qabtay ruuxii hogaaminayay weerarradaas soo abaabulay, iyaoo sidoo kalena ay hay’adda Nabadsugiddu ku sheegtay warbixin ay soo saartay in hoggaamiyaha weerarkaas la qabtay.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in ninka la qabtay loo haystay inuu ka dambeeyay weerar hore oo Muqdisho lagu qaaday, iyadoo magaciisa aan weli la sheegin.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in dabelydu ay rasaas oodda uga qaadeen dadkii fadhiyay hoteelka markii ay gudaha u galeen, halkaasoo ay dad badan ku dileen, waxaana dadka dhintay ka mid ah haween.

Dhanka kale, Al-shabaab ayaa sheegatay weerarkaan, iyagoo sheegay inay ku weerareen hoteelka xubno ay ugu yeereen cadowga Alle, inkastoo aysan sheegin khasaaraha ay ka geysteen maqaayadda Liido Sea Food.

Ugu dambeyn, weerarkan ayaa noqonaya kii ugu xumaa ee sannadkan cusub ay Muqdisho ka geysato Al-shbaaab, iyadoo kooxdu ay horay uga digtay in la tago baararka ku yaalla Xeebta Liido oo ay habeenkii shacab badan ku caweeyaan.