Xukuumadda Somaliland oo qabatay 46 Tahriibayaal Ethiopian ah.

0

Arabsiyo News–Maamulka degmada Go’da-wayn iyo Laamaha amaanka ayaa gacanta ku dhigay tahriibayaal tiro badan oo hab sharci daro ah loo dhexmarinayay Somaliland.

Tahriibayaashan oo saarnaa laba gaadhi oo NOHA ah,waxaana in gacanta lagu dhigo fududeeyay kadib markii ay isku dheceen baabuurta Tahriibayaasha iyo baabuurta wefti ka socday xarunta dhaqanka ee Hargaysa(Hargaysa Cultural Center) kuwaasi oo ku socday degmada Goda-wayn oo ay u sideen buugaag.

Kadib shilkaasi ay galeen,waxa ay u baxsadeen wadada gasha degmada Goda-wayn ee ka tirsan gobolka Saaxil.

Guddoomiyaha degmada Go’da-wayn oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen 46 Tahriibe iyo laba baabuur oo ay ku jiraan dadkii fududaynayay .

“Waxaanu degmada aanu ku qabanay laba gaadhi oo NOHA ah oo sida Tahriibayaal Ethiopian ah,tirada tarhribayaashu waa 46 qof oo iskugu jira 41 rag ah iyo 5 dumar ah,waanu xidhnay dhammaantood,labadii gaadhi iyo dirawaladiina way xidhanyihiin,waxaanu gaadhsiinay laanta socdaalka Somaliland saraakiisha waanu la xidhiidhnay cidbaanu idin soo dirnay ayay yidhaahdee” Cabdi Cali Guddoomiyaha degmada Go’da-wayn.

Guddoomiyaha degmada Go’da-wayn ee gobolka Saaxil,Cabdi Cali waxa uu sheegay inay dhib kala kulmaan tahriibayaasha oo si qarsoodi ah loo mariyo degmada hareereheeda,isagoo tilmaamay inay ku wargaliyeen xukuumadda Somaliland.

“Dhib badan ayay tahriibayaashu nagu hayaan,xukuumad ahaanna go’aan ayaa laga soo saaray,ka degmo ahaan marar horena qaarbaanu halkan ku qabanay oo aanu laanta socdaalka u gudbinay,inkastoo ay qardajeex maraan haddana markay na soo dhexmaraan waanu qabanaa”Guddoomiyaha Degmada Go’da-wayn.

Dhinaca kale,Taliyaha booliska degmada Go’da-wayn ee gobolka Saaxil xiddigle Cabdi Maxamed Cilmi ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan 46-kan tahriibe isla markaana u gudbin doonaan laamaha amaanka ee gobolada Saaxil iyo Togdheer.

“Halkan waxa aanu ku qabanay 46 tahriibayaal ah iyo laba baabuur taliska labada waanu u gudbinaa,waa wax koontara banana oo kolba meel ayay isku qaadayaan,dadkani dhammaantood waa wada Ethiopian”Taliyaha Booliska Degmada Goda-wayn xiddigle Cabdi Maxamed Cilmi.