Ciraaq Oo Lagu Afduubay Muwaadiin U Dashay Maraykan

0

Arabsiyo News—Safaarada uu dalka Maraykanku ku leeyahay Ciraaq ayaa shaaca ka qaaday in shaqaale hoosaad dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Maraykanka lagu afduubay Magaaladda Baqdaad ee caasimada dalkaasi.The kidnappings come at a time of increased instability in the Iraqi capital after ISIS claimed responsibility for a bomb attack last Monday which killed 18 at a shopping center (pictured)

War kooban oo ka soo baxay safaarada Maraykanka ayaa lagu sheegay in xukuumadda Ciraaq ay kala shaqaynayso sidii xorriyadooda dib loogu soo celin lahaa muwaadiniinta reer Maraykan ee afduubka ku maqan, kuwaas oo aan ilaa iminka wax war ah laga haynin.

Telefishanka Al Carabiya ayaa isagu baahiyay in dadka la afduubay ay yihiin saddex qof oo qandaraasyo ka qaatay xukuumadda Ciraaq isla markaana ay u afduuban yihiin kooxo mintidiin ah.

Dadka la afduubay ayaa lagu soo waramayaa in laga qabtay Dora oo ku taala Koonfurta Magaaladda Baqdaad.

Dhinaca kale John Kirby oo warbaahinta la hadlayna waxa uu sheegay in weli raacadooda laga jiro dadkaasi la afduubay.

Dalka ciraaq ayaa ka dib markii talada laga tuuray madaxweynihii hore ee dalkaasi Marxuum Saddaam xuseen aanu amnigiisu ahayn mid cago badan ku taagnayn isla markaana