Arabsiyo News—Madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta digreeto ku dhaqan galiyay xeerka ilaalinta kaymaha iyo Duur joogta dalka.
Warsaxaafadeed uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Dayr oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay shabakada Tooshnews ayaa u dhignaa sidan:-
WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu Digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/WM/249-3775/012016 uu ku Dhaqan-geliyey Xeerka Ilaalinta Kaymaha iyo Duur Joogta Xeer Lr. 69/2015.
MADAXWEYNUHU:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada Go’aan Lr. GW/G/KF- 29/673/2015 ee ku taariikhaysan 21/12/2015 ee ay ku ansixiyeen Xeerka Ilaalinta Kaymaha Iyo Duur Joogta JSL Xeer Lr. 69/2015
Wuxuu soo saaray
Xeerkan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Xeerka Ilaalinta Kaymaha Iyo Duur Joogta ee Jamhuuriyadda Somaliland Xeer Lr. 69/2015.
Arabsiyo Main Officer








