Xukumada Somaliland Oo Qisaas Dil ah ku Fulisay Lix Gacan Ku dhiigle

0

Arabsiyo News—

Dowladda somaliland ayaa marki labaad fulisay xukunadda qisaasta ah ka dib markii saaka ay Ciidamadda somaliland fuliyeen markii labaad xukuno qisaas ah , kuwaasi oo lagu toogtay lix gacan ku dhiigle Islamarkaana  lagu helay kiis ah inay si badheedh ah u toogteen askar iyo masuuliyiin kale.

e

Lixdani nin oo lagu kala toogtay deeganadda Dararweyne , Madheera iyo Borama waxaa ka mid ahaa askari dhawaan toogtay taliyihii ciidanka birmadda ee gobolka saaxil waxaanna gacan ku dhiglahaasi lagu magacaabi jiray Cabdirisaaq Maxamed Kheyre iyo waliba gacan Ku dhiiglayaan Dilal Toogasho ah oo ula kaca Ku toogtay Masuuliyiin kale.

Sikastaba ha ahaatee Intii ay Jirtay Xukumada SOmaliland ee uu gaadhwadeenka ka yahay Mudan Axmed Siilaanyo ayaa tiroba Laba Jeer la fuliyay Dilal Qisaas ah Iyadoona ay badiba dawlada Somaliland ka dhago adaygi jirtya inay si dag dag ah u Fuliyaan Qisaaasta Balse waxaan la garanayn inay dawlada SOmaliland ay halkaasi kasii wadi doonto qisaasta gacan ku dhiiglayaasha.

 

Abdifataah Mohammed Giryaad

Arabsiyo Main Office