Arabsiyo News — Gudoomiyaha Golaha Wakiilada S/land ahna Gudoomiyaha Xisbiga Qaranka ee WADDANI Mudane A/rahmaan Mohamed A/lahi (Ciro), oo Beryahanba Safar Shaqo ku joogay Dalkan Ingriiska ayaa Safaro Dhiirigelin iyo kala War-qaadasho ah ku kala bixiyey Laamaha iyo Gobolada Wadankan Ingriiska ee Xisbiga WADDINI Xafiisyada Ku leeyahay Qaarkood. Laamaha iyo Gobolada uu Booqashada ku tegay waxaa ka mid ah, Laanta South East-ka London, Laanta Bariga London, Laanta Bristol, Laanta Birmingham iyo Laanta Sheffield oo uu Gudoomiyuhu Caawa soo gaaray.
Gudoomiye Ciro intuu goboladan marayey waxuu kulamo is xog-waraysi ah la yeeshay Dhamaanba Jaaliyada S/land ee ku nool Goboladaas, Sidoo kalena Taageerayaasha baaxada leh ee xisbiga Waddani ku leeyahay Laamahaas. Gudoomiyaha oo ay Safarkiisa ku weheliyaan Xildhibaano Qaran iyo Madax Sar sare oo xisbiga Waddani ka tirsan. Ujeedada Guud ee Safarkan Gudoomiyaha iyo Xubnahan la socday ayaa ahayd martiqaad uu ka helay gudoomiyuhu Beesha Caalamka ee Danaynaya arimaha S/land iyo inuu Bulshada S/land iyo Daneeyayaasha S/landba u soo Bandhigo Buug Siyaasadeedka Xisbigu ugu talaalay inuu ku hago Dalka, kaasoo 15th January 2016 lagu soo bandhigi doono Magaalada London.
Gudoomiyuhu waxuu goobwalba oo uu tago kula kulmayey soodhoweyn aad u baaxad weyn iyo Xubno tiro badan oo ku soo biirayey Xisbiga Waddani. Gudoomiye Ciro waxuu goob walba oo uu tago Shacabka ugu baaqayey inay midnimada Dalka gacmaha isu Qabsadaan, U diyaar-garoobaan Doorashada, kalana shaqeeyaan Amniga guud ahaanba Xukuumada iyo Ciidamada ku Hawlan. Warbixinta Gudoomiyaha oo Dhamaystiran waxaan idiin soo gudbin doonaa Xiliga Safarka Gudoomiyuha oo hada ku sugan Magaalada Sheffield uu soo gabagabowdo.dhinaca kale taxa kust biiray xisbiga tageerayaal badan oo aad usoo dhaweeyey horumarka la tabun karo ee xisbigu ku tala























































