Tiradad dadka ay Ciidamada Itoobiya ku dileen Rabshadihii ka dhacay Duleedka Adis Ababa oo la shaaciyay

0

Arabsiyo News—Hay’ada Xaquuqda Aadanaha u dooda ee Human Rights Watch ,ayaa warbixin ay soo saartay waxaa lagu shaaciyay tirada dadka kasoo jeeda qoomiyada Oromada ay Ciidamada Dowlada Itoobiya ku dileen rabashadiii dhawaan ka dhacay Ismaamulka Oromiya.

Ciidamada Itoobiya ayaa la sheegay in ay dileen dad gaaraya 140-qof oo kasoo jeeda Qoomiyada Oromada ,kuwaa oo ka baanbaxay dhul beero ah ay qoomiyadasai leedahay ay Dowladu damacsaneed in ay la wareegto laguna balaariyo caasimada Adis Ababa.

Warbixinta kasoo baxday Human Rights Watch, ayaa sidoo kale lagu sheegay in rabshadihii dhawaan ka dhacay Duleedka Magaalada Adis Ababa lagu dhaawacay boqolaal qof oo kasoo jeeda Qoomiyada Oromada.

Human Rights Watch, ayaa sheegay in rabshadihii dhawaan ka dhacay Gobolka Ismaamulka Oromiya n ay ahaayeen kuwii ugu balaarnaa ee dad lagu dilo tan iyo rabshihii ka dhacay dalka Itoobiya sanadii 2005-tii.

Afhayeenka Human Rights Watch, Felix Horne ayaa sheegay in ciidamada Ethiopia ay dibadbaxayaasha iyo siyaasiyiinta mucaaradka kula dhaqmayaan si adag ayaga oo xiray hab kasta oo ay si aan rabshad lahayn ugu muujin lahaayeen fikirkooda.

Dowlada Itoobiya ayaa dhankeeda sheegtay in rabashihii dhacay kaliya lagu dilay dad gaaraya 5-qof, waxaana rabshadahan ay ka bilowdeen dalka Itoobya bishii November ee sanadkii tagay, Ciidamada Itoobiya ayaa lagu eedeeyay in ay gumaadeen dad kasoo jeeda Qoomiyada Oromada .

Qoomiyada Oromada oo ah tan ugu balaaran ee degta dalka Itoobiya ayaa kasoo horjeeday qorshe dowladda Itoobiya ay dooneyso in dhul beereed ku yaalla duleedka Addis-Ababa, ay ugu ballaariso caasimadda, oo ay ka dhigto aag ganacsi

 

Arabsiyo Main Office

Abdifataah Mohammed Giryaad