Somaliland:Kulan Lagu Saxeexay Dhaqan-Galka Xeerka Anshaxa Tirakoobka Codbixiyeyaasha

0

Arabsiyo News–Guddida doorashooyinka qaranka Somaliland iyo hoggaamiyeyaasha saddexda xisbi ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI, ayaa shalay kala saxeexday xeerka hab-dhaqanka Diwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka oo dhawaan ka bilaamaysa gobolka Togdheer.

Kulankan ay saddexda xisbi qaran iyo Guddida doorashooyinku heshiiska ku kala saxeexdeen oo ay soo qaban-qaabisay Akaadamiyada nabadda iyo horumarka Somaliland (Academy for Peace and Development) (APD), waxaanay hoggaamiyeyaasha xisbiyadu balan-qaadeen inay ku dhaqmi doonaan xeerakan ay kala saxeexdee.

Agaasimaha fulinta ee  Akaadamiyada nabadda iyo horumarka Maxamed Faarax Xirsi oo ka hadlay kulankan heshiiska lagu kala saxeexday,

“Hawsha Diwaangelintu waxay taabanaysaa Qaranimadeena, waxay taabanaysaa doorashooyinka soo socda, waxaanay saldhig u tahay inay dalka ka dhacaan 2017-ka doorashooyin xor ah oo xalaal ah oo si Nabadd ah u dhacda. Waxaanan ku boorinayaa Asxaabta, Guddida doorashooyinka iyo Dawladuba ay si fiican oo hufnaan leh ay uga wada qayb galaan,  Somaliland-na ay ku  guulaysato inay qabsato Diwaangelinta doorashooyinka.” Ayuu yidhi Maxamed Faarax Xirsi.

Sidoo kale Guddoomiyaha Guddida doorashooyinka Cabdiqaadir Iimaan Warsame oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Diwaangelintani ay horseed u  noqon doonto doorashooyin dalka ka dhacay

“Anagu Guddi ahaan, waxaanu balan qaadaynaa inaanu waajibkayaga oo dhan ka gudano Diwaangelinta soo socota si ay u noqoto mid caam ka yeesha lixda gobol ee ay Somaliland ka kooban tahay,  taas oo Diwaangelintu inagu hogaamin doonta doorasho xor ah oo xalaal.”ayuu yidhi Cabdiqaadir Iimaan.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay inay xisbi ahaan soo dhaweynayaan heshiiskan

“Waanu soo dhawaynaynaa, Diwaangelintan iyo doorashada aynu hadda u qaadnay, haddii aan Xeerkii la samayn oo aan laga heshiin Kuraasida oo aanu u aragno inay yihiin  qodobo muhiim ah.” Ayuu yidhi Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Gudoomiye ku Xigeenka koowaad ee xisbiga WADDANI Axmed Muumin Seed ayaa ayaa sheegay inay balan qaadayaan in xisbigoodu ku dhaqmo Xeerkan Diwaangelinta doorashooyinka

“Muhiimadu waxa weeyaan inaynu ku dhaqano Xeerkan marka aynu saxeexno, ka xisbi ahaan waxaanu balan qaadaynaa inaanu ku dhaqmi doono xeerkan.” Ayuu yidhi Axmed Muumin Seed.

Ugu dambaysan, Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo heshiiskan ka hadlay, waxa uu shacbiga Somaliland ugu baaqay inay ka qayb-qaataan Diwaangelinta codbixiyayaasha

“Waxaanu ugu baaqaynaa  dadka Muwaadiniinta ah inay xilkooda gutaan oo ay tallada Dalkooda dhisaan oo ay Diwaangelinta ka bilaabaan, Diwaangelintu waxay u baahan tahay inaad si xil kasnimo ah uga qayb qaadato, hal cod ayaad leedahay, dulqaad ayaad leedahay, inaanad xumayn ayaad xaq u leedahay. Inaanad gardaro ku samayn Muwaadinka kale ee safka kugula jira ayaad xaq u leedahay.”ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Guud ahaanba dalka Somaliland ayaa dhawaan laga bilaabayaa diwaangalinta codbxiyayaasha,kuwaasi oo kaadhadhka doorashada 2017-ka qaadan doona

 

Arabsiyo Main Office

Abdifataah Mohammed Giryaad