Arabsiyo News-Shirkada Twitter oo ka mid ah kuwa xoogga loo isticmaalo ayaa maxkamad la tiigsatay dalka Turkiga,kadib markii ay xukuumaddaasi ganaac Lacageed dul dhigtay warbaahinta inay wararkooda ku baafiyaan bogga Tiwitterka wixii ku saabsan Jabhda Kurdiska ah ee PKK.
Xukuumadda Tayyib Erdogan ayaa sheegtay inay marar badan digniin u jeedisay shirkada Twitterka in ay boggooda ka saaraan warar ay ugu yeedhay buunbuuninta agagixisada PKK,waxaanna arinkaasi ka soo horjeedsatay shirkada arimaha bulshada ee Twitterka oo diiday inay xidho baraha ay ku leeyihiin taageerayaasha PKK Twitterka dhexdiisa.
Dawlada Turkiga ayaa lacag dhan 500,000 oo Dollar ku ganaaxday shirkada Twitterka,wallow shirkadaasi arintaasi diiday lana tiigsatay maxkamada iyadoo ku eedaysay inay inuu ganaaxaasi ka hor imanayo dastuurka u yaalla dalka Turkiga.
Dawlada Turkiga ayaa dhaqan galisay sharci cusub oo la xidhiidha internetka dalkeeda,iyadoo dhawr mar hore khadka uga saartay bogag ay shacabkeedu adeegsan jireen oo ay ku lahaayeen Twitterka,waxaanay taasi ku sababaysay iyadoo dhawr jeer lagu soo bandhigay arimo lidi ku ah dalka Turkiga iyo xukuumadda madaxwaynaha dalkaasi Tayyib Erdogan
Arabsiyo Main Office
Abdifataah Mohammed Giryaad








