SANAAG:Somaliland oo Badbaadisay 72 Tahriibayaal Ethiopia u dhashay.

0

Arabsiyonews- Ciidamada Badda Somaliland ayaa badbaadiyay doon siday Tahriibayaal Ethiopian ah,taasi oo maraysay deegaanka Xarjo oo 55 KMĀ  dhinaca bari kaga beegan xeebta Maydh ee gobolka Sanaag.

Doontan oo badda Somaliland ku jirtay muddo laba todobaad ah ayaa waxa saarnaa Tahriibayaal dhan 72 qof,sidoo kale waxa dhintay 10 qof oo biyaha badda ku naf waayay.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi Falay oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in raggii doontaasi masuulka ka ahaa ay isku dayeen inay baxsadaan balse ciidamada ilaalada xeebaha Somaliland gacanta ku dhigeen kana soo qabteen buuraha deegaankaasi.

Doontii dadkan siday ayay ciidamada Ilaalada Somaliland baadhitaan ku hayaan,iyagoo eegaya waxyaabihii sababay inay todobo maalmood ku jirto xeebta Somaliland.

 

Arabsiyonews.com

Hargaysa Office