Arabsiyo News—Madaxweynaha dalka South Sudan, Salva Kiir ayaa ku dhawaaqay in Dowladiisu ay xilal u magacaabeyso Siyaasiyiinta ka tirsan Mucaaradka dalka South Sudan kuwooda ugu caansan.
Salva Kiir ayaa mucaaradka u magacaabaaya ilaa Konton Xildhibaano oo ay ku dhex yeelan doonaan Baarlamaanka Dalka South Sudan.
Magacaabida Xildhibaanadaani ayuu sheegay maanta oo Jimca ah waxa uuna ku micneeyay inay tahay mid ay ku kasbanayaan Siyaasada Mucaaradka si loo helo Dowlad loo dhanyahay min muxaafid ilaa mucaarad.
Salva Kiir ayaa sidoo kale sheegay in Mucaaradka ay Xukuumada Dowladiisu ku yeelan doonaan Tirro Wasiiro ah.
Heshiiska Dowlada Salva Kiir iyo Garabka mucaaradka ayaa dhigaaya in Mucaaradka ay kamid noqdaan labada Gole ee Dowlada.
Magaalada Jubba ee xarunta Dowlada South Sudan ayaa waxaa ku sugan gudi uu urur-goboleedka IGAD u magacaabay in uu hubiyo fulinta heshiiskii ay gaareen mucaaradka iyo xukuumadda dalkaas.
Gudigaani ayaa waxaa hogaaminaaya madaxewynihii hore ee dalka Botswana, Festus Mogae.
Sidoo kale, Wasiirrada ka imaanaya mucaaradka ayaa waxaa la sheegay inay ku jiri doonaan xubno la xiray markii dagaalladu ay ka dillaaceen dalkaas oo uu kamid yahay Mucaaradka weyn ee lagu magacaabo Banki amuun.
Waxaa South Sudan ka socda colaadihii sokeeye, kuwaasoo u dhexeeya Xukuumadda iyo kuwa mucaaradka ah, Waxaana colaadda dalkaas ka socota ku naf-waayay kumanaan qof oo shacab u badan.
Arabsiyo Main Office
Abdifataah Mohammed Giryaad








