Somalia oo xidhiidhka u jartay Iran 7 Saacna u Qabatay Masuuliyinta Iiran Ee Muqdisho.

0

Arabsiyonews-War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in Diblomaasiyiinta Iiraan ee ku sugan magaalada Muqdisho laga codsaday inay dalka uga baxaan muddo 72-saacadood, kadib go’aankii Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ee xidhiidhka loogu jaray dowladda Iiraan.

Sii hayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Islaamiga ee Iiraan ee Muqdisho Javad Dehghan Lotfabadi ayaa lagu wargeliyay inuu dalka ka baxo isaga iyo Diblomaasiyiinta kale.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay timid kadib baaritaan dhab ah oo la sameeyay , laguna ogaaday in Iran ay ka fulineysay Soomaaliya howlo khalkhal gelinayay amniga,deganaanshaha ,wadajirka iyo midnimada Ummadda Soomaaliyeed,ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedkan oo ay heshay shabakada Tooshnews .

Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday Iiraan inay xushmeyso madax banaanida dowladaha, isla markaana joojiso faragelinta gudaha, ilaalisana qawaaniinta , heshiisyada caalamiga ah iyo cahdiga Vienna ee xidhiidhada diblomaasiyadeed.

Soomaaliya ayaa ku biirtay dalalka Jabuuti, Sudan iyo Baxreyn oo xidhiidhka u jaray Iiraan, kadib markii la weeraray Safaaradda Sacuudiga ee Tehran, waxaana dowladaha xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta ay garab istaag u muujiyeen dowladda Sacuudiga oo khilaaf xoogan kala dhaxeeya Iiraan.

Dalka Iiraan ayaa waxa ku sugan arday kumayaal ah oo ka tagay deegaannada Somalida iyagoo waxbarasho kala duwan u jooga dalkaasi uu Somalia xidhiidhka u jara.

Arabsiyonews.net

Muqdish,Somalia