Musharraxii Madaxwayne ku-xigeenka UCID oo Caddeeyay in Xukuumaddu u gacan-haadisay

0

Hargeysa, (Arabsiyo news) – Musharraxii Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Cabdirashiid Xasan Mataan oo dhawaan Iscasilay, ayaa Xukuumadda ku eedeeyay inay ku waddo Xod-xodasho ay isaga ku soo jiidanayso.

Cabdirashiid Xasan Mataan, waxa uu sheegay inaanu Dalka u iman inuu ka xooleysto ee uu uga soo gurmaday Mushkilad uu sheegay inuu Dalka ku abuurey Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE.

Cabdirashiid Xasan Mataan oo qoraal kooban ku baahiyey barta uu ku leeyahay Shabakadda xidhiidhka Bulshada ee Facebook, ayaa sheegay in Xukuumaddu dabada ka riixeyso dedaalo lagu xod-xodanayo isla-markaana ku doonayaan inay ku hirgeliyaan rabitaankooda oo ah inuu Xukuumadda ka mid noqdo. “Waxa soo noqnoqanaya xodxodashada raqiis ah ee Xukuumaddu dabada ka waddo ama rabitaankooda.” Ayuu yidhi, Musharraxii Madaxwayne ku-xigeenka UCID ee iscasilay, waxaanu intaa ku daray, “Taageerayaashaydii iyo dhammaan Shacabka Somaliland waxaan u sheegayaa intii aan hore u sheegay oo ah “Dalka umaan iman in aan ka xoolaysto ee waxan u imid gurmad ah in laga badbaadiyo mushkiladda ay abuureen Xisbiga kulmiye ee god dheer ku tuuray rejadii Dalka iyo tii da’yarta.”

Mr. Cabdirashiid oo sii hadlaya, ayaa sheegay in aanay ka suurtoobin inuu ka mid noqdo Xukuumadda KULMIYE, “Marna igama suurtoobayso in aan qayb ka noqdo nidaamka kulmiye. Waxaa inoo ballan ah isbeddel  insha Allaah.”ayuu yidhi, oo uu hadalkiisa ku soo koobay.

 

Arabsiyo Office

Abdifatah Giryaad