Waddanka Itoobiya oo ahaa dalka kali ah ee Aqoonsiga Buuxa Siiyey Basaboorka Somaliland oo wakhtigan joojisay Bixinta Fiisayaashii

0

Hargeysa (Arabsiyo News) Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo gadhwadeenka ka yahay ayaa noqotay mid Al-baabada u soo laabtay Xidhiidhkii Dublamaasiyadeed ee ka dhexeyey Waddamada Jaarka ah, isla markana dalkii kali ah ee Safaarada kulaaha Somaliland oo ahaa  waddanka Itoobiya ay Safaaradisii Hargeysa muddo Toban  Cisho ah  Xidhan tahay. Illaa hada si cad looma oga sababta itoobiya ay u xidhay Safaaradeedii Magaalada Hargeysa, basle wararka xogogaal ah ee aanu helayno ayaa sheegaya in Xarumihii Itoobiya ay ku lahayd Waddanka Somaliya ee aynu jarka nahay ay shaqeynayaan Sidda Xaruntii Garoowe iyo tii Muqdisho isla marka maalin walba ay bixiyaan Fiisayaashii dalku galka waddankaasi. Safaraada Itoobiya ee Xarunteedu tahay Magaalada Hargeysa ayaa ogeysiis ay soo saartay 28 November ku sheegtay in ay joojisay Bixinta Fiisayaashii dalku galka Itoobiya, waxaana Qoraalkaasi lagu soo hor dhajiyey Xarunta Safaarada Horteeda, basle laguma sheegin wakhtiga dib loo bilaabidoonto bixinta fiisayaasha, safaaradu waxay qoraalkeeda ku soo koobtay in dib  ka soo sheegidoonto wakhtiga ay bixindoonto   qaadashada fiisayasha. Boqolaal shacabka reer Somaliland ah oo baddankoodu u taggi jireen Itoobiya arrimo caafimad, waxbarasho iyo dhoofa dibadeed ayaa xaniban,  isla markana markii ay u suurto galiwayday in ay u baxaan waddankaasi ayaa waxay miciin bideen oo ay dantu ku kaliftay in ay doontan Baasaborka Soomaliya una  doontaan  Magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe halkaasi ay ka qaatan fiisaha dalku itoobiya. Xidhiidhka labbada waddan ee Somaliland iyo itoobiya ayaa ahaa mid aad u fiican, isla markaan heer waxay Itoobiya  gaadhay ay Basaborka Somaliland ka dhigto mid ka mid ah basaboorada loogu Ixtiraam badan yahay waddankooda.