Urur Goboleedka IGAD oon dhax dhaxaad ka aheyn xiisada Siyaasadeed ee ka taagan Ceelbarde

0

Arabsiyo News—-Urur Goboleedka IGAD ayaa lagu eedeeyay in aysan dhax dhaxaad ka aheyn Xiisdaa Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay dhawaan ka abuureen Degmada Ceelbarede ee Gobolka Bakool, kadib markii ay halkaasi kaga dhawaaqeen maamul lidi ku ah Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Saransoor), oo kamid ah Xildhibaano gaaray Magaalada Xudur ee xarunta Gobolka Bakool ayaa sheegay in xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya ay xiisad ka abuureen Degmada Ceelbarde ayna qorsheenayaan in ay tagaan degmadaasi si ay u dajiyaan xiisada.

Waxa uu tilmaamay Xildhibaanka in ujeedkoodu yahay sidii ay u tagi lahaayeen Degmada Ceelbarde ayna uga hortagi lahaayeen xiisada ay abuureen xildhibaano kale oo katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo in shacabka aan laga dhax abuurin colaad.

Xildhibaan Aadan Saransoor ayaa ku eedeeyay Urur Goboleedka IGAD in aysan dhax dhaxaad ka aheyn waxa ka taagan Degmada Ceelbarde, waxa uuna tilmaamay in xubno katirsan Ururkaasi in ay ku lug leeyihiin dhismaha maamulka Bakool sare ee dhawaan looga dhawaaqay Ceelbarde.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiin kasoo jeeda Beesha Ogaadeen ayaa dhawaan Degmada Ceelbarde waxa ay ka dhiseen maamul ay yeelanayaan Degmada Ceelbarde iyo deegaanada Yeed iyo Aato oo katirsan Gobolka Bakool.

 

 

Arabsiyo Office