Sucuudiga oo Qudha ka Jaray Wadaad Shiico ah

0

Arabsiyo  News—-ka dib markii ay dawlada dalka Sacuudi arabia dil ku fulisay sheekh Sheik Nimr al-Nimr oo ka mid ahaa culimada shiicada ayaa waxa looga mudaharaaday dalka Baxrayn oo ay ku dhaqan yihiin dad shiico ahi.

waxa ay tirsanayaan in xaqdaro lagu dilay sheekha, kuwaas oo aad u cambaareeyay kuna tilmaamay dilkaasi mid waxashnimo ah. sheekha ayaa loo haystay in uu amniga dalka sucuudiga damacsanaa in uu khalkhal geliyo, waxaana la raaciyay kuwo kale oo laftooduna eedo loo haystay.

sidoo kale shiicada ku dhaqan dalalka Pakistan, Kaashmiir iyo meelo kale ayaa iyagana lagu soo waramayaa in ay mudaharaad dhigeen.

Ayatollah Ali Khamenei ayaa isna ka hadlay dilka wadaadkaasi