Berbera ( AN )Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil ayaa sheegaya in Wasaarada Kalluumaysiga Somaliland ay dhawaan bilawday diiwaan-gelinta doonyaha kalluumaysiga. Waxana wararku sheegayaan in doonyaha loo sammeeyey Nambaro mid kastaaba ay ku hawl-geli doonto (Plate numbers) kuwaasoo sida la sheegay ay ku qoran tahay SBTE ( S-ta waxa loo soo gaabiyey Somalia, B-dana Berbera) warkan ayaa shabakada Arabsiyonews u xaqijiyeen ilo wareedyo arintan xogogaal u ah, waxay xuseen in diiwaan-gelintu ay dhacday dabayaaqadii Bisha ina dhaaftay ee December. Sidoo kale, waxay wararku sheegayaan in diiwaan-gelintu ay socotay muddo laba Maalmood ah iyadoo la diiwaan-geliyey doonyo aad u badan.
Wararku aanu helnay ayaa waxay intaa ku dareen, in diiwaan-gelintii la joojiyey ka dib markii qaar ka mid ah Kalluumaysatadii lahayd doonyahaasi ay arintaasi kacdoon ka sammeeyeen. Tallaabadan joojinta diiwaan-gelinta sida wararku sheegeen waxa ku tallaabsaday Masuuliyiinta dhinaca amniga u qaabilsan degmada Berbera iyo guud ahaanba Gobolka Saaxil.
Ilo-wareedyada aanu helnay ayaa intaa ku daraya in diiwaan-gelinta ay wada jir uga hawl-galeen Hay’ada FAO oo Maalgelinta sammaysay iyo Wasaaradda Kalluumaysiga ee Somaliland oo iyaduna fullinaysay.
Sida ay sheegayaan wararkaanu helaynaa, diiwaan-gelinta Doonyaha waxa hore looga soo fulliyey Maamul-goboleedka Puntland iyadoo diiwaanka lagu qorayay Magacyada doonyaha-na ay ku jiraan dhammaan Magacyada doonyaha Dalka Somaliya.
Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland, hasa yeeshee, falkan ayaa noqonaya mid khiyaamo ah oo ay wada jir ugu kaceen Ha’yada FAO iyo Wasaaradda Kalluumaysiga Somaliland, mar hadii ay Somaliland tahay waddan gaar uga istaagay intii laysku odhan jiray Somaliya imika ay tahay Waddan gaarkiisa u maamusha hawlaha noocan oo kale ah.
Arabsiyonews.com
Berbera Office











