Xisbiga Wadan Oo Eedo Ujeediyay Xukuumadda

0

Arabsiyo News—Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadani ayaa ku eedeeyay xukuuumadda Kulmiye in aanay diyaar u ahayn in dhulka Somaliland ee aanay hore uga dhici doorashooyinku ay ka dhacdo.

Xogyaha guud ee xisbiga Wadani Maxamed Cabdilaahi Uur Cade oo la hadlayay warbaahinta ayaa yidhi

 

“Waxaa mudo dheer la sugaayey in dalka ay ka dhacdo diwaan galin dadkan rer Somaliland oo dhamina ay xaqooda helaan oo ay diwaan galinta galaan balse nasiib daro xukuumada lixda sanno dalka ka talineysay hal talaabo hore umay qaadin oo dhulkii ay aanay doorashadu ka dhici jirin si ay uga dhacdo diwaan galintani wax talaabo ah kamay qaadin “.

“Hada waxaa la isku raacay in la galo diwaan galintii gobalka togdheer iyada oo gobalo loo galaaayo buuhoodle waxaa ay ka mid tahay gobalka togdheer waxaa ay dadka rer buuhoodle ay diyaar u yahiin meel walbana ay ka sheegeen in ay diwaan galintaas diyaar u yahiin sida ay walaalahooda kale u galayaan ay u galaan balse nasiib daro xukuumadu diyaar uma aha in ay buuhoodle ay doorasho ka rido waxaa aanu ku gubaabineynaa xukuumada waa xil saran waa xaq ay muwaadiniinta rer buuhoodle leeyahiin in diwaan galinta halkood loogu geeyo sida goobaha kale ee Somaliland Uga dhaceyso “ ayuu yihdi xoghayha xisbiga Mucaaridka ah ee waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcade .