Arabsiyo News—–Ciidamada amaanka Dowlada Belgiumka ayaa gacanta ku dhigay dhalinyaro la sheegay inay abaabulayeen weeraro ay ka geystaan qeybo kamid ah dalka Belgiumka.
Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in dhalinyaradaasi ay wadeen qorsho ay ku weerari lahaayen Magaalada Brussels.
Saraakiishu waxa ay sheegtay inay gacanta ku dhigeen ilaa laba ruux oo qorsheynaayay weeraro inay ka geystaan dalka.
Sidoo kale ciidamada Booliska waxa ay gacanta ku soo dhigeen Dhar Millateri oo la doonaayay in weerarka lagu fuliyo.
Ciidamada Booliska ma aysan qaban waxyaabaha Qarxa ama hub, balse labada ruux ee ciidamada Booliska ay qabteen ayaa aad looga shakisan yahay.




Abdifatah Giryad Arabsiyo Main Officer








