Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta la kulmay Ururada Bulshada Rayidka Puntland oo ay sidoo kale ka mid ahaayeen siyaasiyiin iyo waxgaradka Puntland, Kulanka oo ka dhacay PDRC waxaa ka qayb galay Golayaasha Puntland iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland.
Kulanka oo saxaafada ay dibad joog ka ahayd ayaa ujeedka ahaa wadatashi iyo iska xog waraysiga moqwifka Puntland ay ka taagan tahay nooca doorashada dalka ka dhacaysa 2016-ka oo ay Puntland doonayso nidaamka deegaamada, Madaxweynaha ayaa ka jeediyey warbixin guud oo uu kaga hadlay shirarkii Muqdisho kaga soo qayb galay.
Cali wuxuu sheegay in dadweynaha aysan weydiin rabitaankooda maanta balse ay kawada hadleen sidii macquul u tahay in dalka doorasho ku salaysan cadaalad iyo sinaan uga dhici lahayda iyagoo ay shacabka ku leeyihiin aragtidooda sida dalka doorasho uga dhacdo.
Su’aalaha ay shacabka weydiiyeen madaxweynaha ayuu xusay in laga wada jawaabay sidoo kalana ay dadku soo jeediyeen ra’yigooda ku aadan kulankii maanta.
Madaxda Dowladda Puntland xiligii ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho ayaa fariimo uga imaanayey dadweynaha Puntland, wax garadka iyo Odayaasha iyagoo ka dalbanayey in dib talada loogu soo celiyo si go’aan mideysan mar kale u qaataan, Wasiirkuna wuxuu sheegay in natiijadii kulan ay la tagi doonaan 10-Janaayo magaalada Kismaayo.









