Germany: DUULIYAYAASHA DIYAARADAHA OO LAGA BAADHAYO DAROOGO IYO KHAMRI

0

GERMANY(Arabsiyo News)-Dowlada Germany ayaa sheegtay inay bilaabi doonto baaritaano la marinayo duuliyayaasha diyaaradaha ee isticmaala Daawooyinka, Daroogada iyo Khamriga.

Qorshahan ayuu axadii shalay ku dhawaaqay Wasiirka Gaadiidka ee dalka Germany Mr.Alexander Dobrindt, wuxuuna sheegay in sharcigan cusub ay wasaaradiisa soo bandhigi doonto horaanta sanadka soo socda.

Go’aankan ayaa la xariira shilkii diyaaradii laga lahaa Germany ee Germanwings oo bishii Maarso kusoo dhacday buuraha wadanka France, iyadoo la xaqiijiyey in duuliyihii labaad ee diyaaradaasi uu si ulla kac ah usoo riday diyaarada, ninkaasi oo la sheegay inuu in muddo ah xanuunka dhimirka qabay, isla markaana isticmaali jiray daawooyin kala duwan iyo khamriga.

Guddi loo saaray baaritaanka shilkaasi dhacay bishii Maarso ee sanadkan ayaa soo jeediyey in baaritaan la mariyo duuliyayaasha diyaaradaha rakaabka si loo xaqiijiyo caafimaadkooda.

Balse go’aankan ayaa waxaa si weyn uga soo horjeestay iskaashatooyinka duuliyayaasha oo ku tilmaamay in dhamaan duuliyayaasha laga dhigay dad danbiilayaan ah oo la marinayo baaritaan, taasina ay sheegeen inaysan cadaalad ahayn.

HJDHKJ