DEG DEG:Askar ka tirsan Ciidamada kenya oo Si xun loo dilay iyo Al-Shabaab oo sheegtay…..

0

Ciidamo ka tirsan Alshabaab ayaa weerar ku qaaday kolonyo gaadiidka ciidamada booliska dalka Kenya gelinkii dambe ee shalay, waxaana ugu yaraan ku dhintay labo kamid ahaa saraakiisha ciidamada booliska dalka Kenya.

Masuuliyada weerarkaasi waxaa sheegtay Alshabaab waxaana afhayeen u hadlay Alshabaab uu sheegay iney la eegteen ciidamo ka tirsanaa Dowlada Kenya.

Sarkaal u hadlay ciidamada booliska dalka Kenya ayaa dhankiisa xaqiijiyay weerarka dhacay iyo geerida saraakiisha ciidamada booliska dalka kenya ka tirsanaa kuwaasi oo weerarka la kulmay.

Booliska dalka Kenya saraakiisha u hadashay ayaa sido kale sheegay in labo weerar ay ahaayeen waxa dhacay, laakiin ma jirin wax qasaaro ah oo ka dhashay mid kamid ah weerarada.

Alshabaab ayaa todobaadkii lasoo dhaafay labo weerar oo qaraxyo dhulka lagu aasay ah la eegtay ciidamada dowlada Kenya oo marayay duleedka magaalada Mandheera ee dalka kenya.