Arabsiyo news —Kooxda Daacish ayaa idaacad ku hadasha afkeeda ka hirgalisay gobolka Nangarhar ee dalka Afghanistan, taasi oo laga baahiyo Afkaarta Daacish.
Idaacadaasi ayaa waxaa lagu magacaaba Sadai Khilafat ama Codkii Khilaafada, waxaana si aad ah uga cawday maamulka gobolka Nangarhar ee dalka Afghanistan oo sheegay in Idaacadaasi ay saameyn ku yeelatay dadka deegaanka.
Maamulka gobolka Nangarhar ayaa sheegay in hadda ay albaabada isugu dhufteen xarunta Idaacadaasi, si looga badbaado in fakirkaasi ay qaatan dhalinyarada deegaanka.
Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in wararka laga baahiyo Idaacada ay ahaayen kuwo lagu kicinaayay dareenka dhalinyarada, taasi oo heysatay qawaaniinta Idaacadaha kale ee Daacish kana howlgala dalalka Suuriya iyo Ciraaq.
Afhayeenka gobolka Nangarhar Atta Khogyani ayaa sheegay in maamulka uu gabi ahaanba kasoo horjeedo in fakirka Daacish laga dhaadhiciyo dadka shacabka ah, waxa uuna sheegay in gabi ahaan ay xireen Idaacadaasi.
Ugu danbeyntii xirista Idaacadaasi Daacish ayaa waxaa ka qeybqaatay Saraakiisha Reer galbeedka ka jooga dalka Afghanista
Abdifataah Giryaad
Arabsiyo Main Office








