Nin Soomaali Mareykan ah oo lagu magacaabo Deeq Maxamed Isaaq ayaa halis ugu jira in lagu rido xukun dheer oo xabsi ah iyo in dalka Mareykanka laga soo musaafuriyo marka uu dhameesto xukunka xabsiga ah.
Maxkamadda Sare ee Gobalka Alaska ee dalka Maraykanka, ayaa u fadhiisatay dhageesiga dacwad ka dhan ah ninkan Soomaaliga ah oo loo heesto in uu farta ka jaray nin u dhashay Koonfurta Sudan sidoo kale uu ugu handaday in uu dilayo.
Ninkan Soomaaliga ah ayaa lagu eedeeyay xiliga uu falka geesanayay isaga iyo ninka kale ee kasoo jeeda Koonfurta Sudan in ay wada sarqaansanaayeen, waxa uuna ugu hanjabay in uu dili doono kahor inta uusan farta midi uu watay kaga jarin.
Maxkamada kiiskiisa qaadeysa ayaa Deeq Maxamed Isaaq oo 34 jir ah waxa ay kusoo oogtay Dembi Heerka Koowaad ah sida ay shaacisay Garsoore Anna Moran oo ka tirsan Maxkamadda Sare ee Gobalka Alaska ee gacanta ku heysa kiiska ninkan Soomaaliga ah loo heesto fal dambiyeedka.
Dambiga loo heesto Deeq Maxamed Isaaq , ayaa hadii lagu helo waxa uu muteesan karaa 10-sano oo xabsi ah iyo in dalka Mareykanka laga soo musaafuriyo sida laga soo xigtay ilo katirsan Maxkamada kiiskan gacanta ku heysa.
Posted By:
Abdifataah Mohamed Giryad
Arabsiyo Main Office








