Xisbiga Wadani oo khilaaf huursan cagaha lagalay kadib masuuliyiin isku maandhaafsan xilalka ay kahayaan Xisbiga Dhexdiisa

0

Hargeysa (AN) Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo ka mida xisbiyada qaranka Somaliland ayaa ah mid hada siweeyn ula baaxa dagayaa Dagaal siyaasadeed oo ka socda gudihiisa ka dib markii masuuliyinta u sarayas uu soo kala dhex galay khilaaf ku dhaw inuu kala irdheeyo saraakisha u saraysa Xisbiga Waddani ,waxana masuuliyiintan khilaafkoodu ku salaysan yahay iygoo kala maroosanaya awoodaha oo uu midba midka kale ka maroorsanayo awoodisa uu ku dhex leeyahay xisbigaa ,waxanu masuul walba ku maqanayahay xilka uu hayo maasulka kale ee xisbiga ka wada tirsanayihii .
Xubnaha Sida aadka xilalka iskugu khilaafsan ee awoodaha kala maroorsaday waxa ka mida ,Xoogahayaha Warfaafinta Boobe yuusuf ducaale Iyo Afhayeenka Xisbiga Waddani Xildhibaan Ibraahin Mahadi Buuba Waxanu Buubaa hada yahay mid Saluug waayn ka muujiyaay Awoodisa oo la dhimay kadib markii si buuxda awood loogu siiyaayXogahayaha Warfafinta Boobe yuusuf inuu ku hadali karo afka xisbiga waddani taasina waxay keentay in Ibraahun Buuba ka cadhoodo arintaasi lagaga hoosaray awoodi afhayeenimo oo uu u arkay inay tahay mid magac u yaala waxanay keentay inuu fooda soo galin waayo xisbiga Wadani Ibraahin Mahdi Buubaa .
Boobe Yuusuf ducaale ayaa isaguna dhanikisa sheegay  hadii uu Ibraahin Buubaa Ku Hadlo Magaca Xisbiga Waddani inuu Gabi ahaanba iska Casili doono Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Waddani .
Waxa iyagana uu sidoo kale Khilaafku Ka dhex jiraa Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilahi Urcade iyo Axmed Cumar Xaaji Cabdilahi Xamarji oo isagu hada raba inuu noqdo Xoogahaya Guud ee Waddani Waxanu Ku Dooday Xamarji in aanu awood badan kulahayn urcaade Beesha ay labadan Masuul Ka Soo Wada jeedan kagana awood badan yahay codna ka keeni karo, Waxanu Xamarji Ku Guda jiraa sidii uu ugu guulaysan laha Qorshihisa ah inuu Noqdo Xooghayaah Xisbiga waddani waxanu  Bilaabay Qorsha yaasha uu ku rabo inuu ku kasbado Qalbiga Guddomiye Cirro oo uu Mudooyinkii U dambeeyaay laha Safar Wadaag.
Waxa iyaguna Socda qorshayaal la doonayo in lagaga takhaluso gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed oo hada u muuqda Mid daagaal siyaasadeeda  kaga socdo gudaha xisbiga waddani una muuqda mid uu xisbiga dhexdiisa kaga awood badiyaay Ninka kula taratamaya Musharaxnimada Madaxwyne ku xigeen ee Wadddani Siyaasi Maxamed Cali .
Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilahi (Cirro) ayaa indho dublamasiyadeed ku eegaya qoshayaasha lakala damacasan yahay ee keenay dagalaka qaboow ee ka dhex socda xisbiga Waddani Waxana uu Doonayaa inuu ka fushado dhinac walba Qorshihiisa aha Musharaxa Madaxweyne .
Lama Saadalin karo halka uu sal dhigaan doono dagaalka siyaasdeed ee qaboow ee ka dhex jira hada xisbiga waddani .

 

Xigasho Waabarinews

Arabsiyonews.net

Hargaysa Desk