Madaxwaynaha S/land oo booqasho ku tagay Xaaji Cabdi waraabe oo xaalad caafimaad ujiifa Gurigiisa

0

Hargaysa(AN)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu booqasho ugu tegay Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi waraabe) oo xaalad caafimaad u jiifa gurigiisa.

Madaxweynuhu waxa uu si naxariis leh xaajiga u dil istaagay isagoo u duceeyey allena uga baryey inuu caafimaad sareecana siiyo kana dulqaado xanuunka.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu Balan qaaday in aanu mood iyo nool midna ka hagranayn, hadana ay u diyaar tahay in dhakhtar dibadeed loo qaado ugu yaraana ay laba dal hada u soo jareen tigidhadooda, Ethipia iyo Dubai si xaajiga loogu dedaalo loogana war hayo xaaladiisa caafimaad.

21498_875018645945323_4705362078326335359_n995759_875019195945268_2403059589016631464_n10314622_875018565945331_1974863283200140808_n12342743_875018575945330_1759721250522941064_n12376504_875018665945321_3794801632172938909_n12391785_875018579278663_4618217943869618659_n