Arabsiyo News Network == War Hada soo gaadhay xafiiska war qabadka ee shabakada wararka ee Arabsiyo News waxaa ay tibaaxayaan in uu hada iska casilay xilkii uu xisbiga ka hayey Xoghayihii Siyaasadda ee Xisbiga Waddani Maxamuud Raage Ibraahim
Xoghayaha ayaa waxaa uu sheegay inuu faahfaahin ka bixin doono sababaha keenay inuu Wakhtigan Iska casilo Xisbiga Waddani oo uu muddooyinkii ugu dambeeyay xubin firfircoon ka ahaa.
Sidoo kale waxaa uu xusay inuu guud ahaanba iska casilay Xilkii Xoghayenimo ee uu xisbigaasi ugu Magacownaa , Waxaanna uu dhinca kale Tilmaamay inuu iska casilay Xubnimaddii Golaha dhexe ee Xisbiga iyo Guddiga Fulinta.
Ex Xoghaye Maxamud Raage Ibraahim wuxuu u mahadnaqay Dhamaan Taageerayaasha iyo Masuuliyiinta Xisbiga Waddani isaga oo mahad naq u soo jeediyay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Cirro uu uga mahadceliyay Mudadii ay soo Wadashaqeeyeen
Arabsiyo Office
info@Arabsiyonews.com








