Maamulka Puntland oo Fariin Hanjabaad ah u Diray Somaliland

0

Garowe(AN)-Maamulka Somaliyeed ee Puntland ayaa ka hadlay hawlaha shidaal qodis ee Somaliland ka waddo deegaanno ka tirsan gobolka Sool.

Wasiirka warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Xassan Soocadde oo u waramay idaacadda BBC-da ayaa sheegay in Somaliland ay shirkado shisheeye la gashay heshiisyo lagu sahaminayo shidaalka deegaannada gobolka Sool,isagoo sheegay inaanay wali Somaliland helin aqoonsi awood u siinaya inay baadho ama dalkeeda kala soo baxdo shidaal.

Wasiirka warfafinta Maamulka Puntland waxa uu ka digay waxa uu ugu yeedhay qalalaase ka dhaca deegaanka Sool,isagoo sheegay in deegaannada ay hawsha ka waddo Somaliland ka tirsanyihiin maamulka Puntland.

Wasiirkan ka tirsan Maamulka Puntland waxa uu fariin u diray beesha caalamka isagoo sheegay in kooxo ajanabi ahi baadhitaan shidaal ka waddaan gobolka Sool,isagoo ku hanjabay inaanay masuul ka noqon doonin wixii la soo gudboonaada  shaqaalah shidaal baadhista.

Halkan ka daawo wasiirka arimaha gudaha Maamulka Puntland oo isaguna ka hadlay shidaal baadhista Somaliland ka waddo gobolka Sool.

 

 

Arabsiyonews.com