Hargasa(AN)-Nin Baastoolad ku hubaysan ayaa Doraad aroornimadii waxa uu xafiiska ugu galay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warshadaha Somaliland Md Cali Maxamed Axmed oo wakhtigaasi Keli ku ahaa Qolka xafiiskiisa shaqada ee wasaaradda,waxa uu sidoo kale ninkaasi Baastoolada ku hubaysnaa aragax ku riday shaqaalaha wasaaradda oo wakhtigaasi ku dhamaa xafiisyada islamarkaana ku guda jiray Shaqo maalmeedkooda.
Dad goobjoog u ahaa Dhacdadani ayaa noo sheegay in galinkii hore ee Maalinimadii Doraad uu nin aan haybtiisa la aqoonsan oo baastoolad ku hubaysani uu si toos ah ugu galay Xafiiska Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warshadaha Somaliland Cali Maxamed Axmed,islamarkaana uu in muddo ah la sheekaystay,balse markii dambe uu hadalkii ka taag taagmay oo ay qayladoodii ku soo xoomeen Shaqaalaha Wasaaraddu. Waxa ay noo sheegeen in markii hore uu gacanta ku horeeyay oo uu afka ka feedhay wasiir ku xigeenku laakiin uu ninkaasi markii dambe uu la soo baxay Baastoolad islamarkaana uu dhafoorka kaga qabtay Wasiir Xigeenka,taasi oo cabsi iyo argagax ku abuurtay wasiirka xigeenka iyo shaqaalihii Wasaaradda ku sugnaa oo qaylo miciinsaday markii ay arkeen muuqaalka hubka uu ninkaasi ku sitay.
Sida la sheegay wax ilaalo ciidan ahi ma joogin wasaaradda Wakhtigaasi,waxaanay shaqaaluhu u yaaceen intii ay wasiir ku xigeenka iyo ninka hubka sitaa muransanaayeen,Wasaaradda Dib u dejinta oo ay laba askari ku dhex sugnaayeen,nasiib daro ninkii hubaysnaa intii lagu maqnaa ciidanka ayuu albaabka Wasaaradda ka booday,oo uu fakaday,cidna kama daba tagin oo waxa ay dadkii goobtaasi joogay ka cabsadeen haddii ay kadaba qaylyaan inuu Baastoolada iskaga reebo uu wax yeelo u gaysto. Ninkani ayaa sida la sheegay intii uu wasaaradda ka baxayay waxa uu wadhfinayay Baastoolada oo u cabaysnayd,waxaanu ku qabanayay oo uu ku waabinayay cid kasta oo ka soo agdhawaata. Labadii Askari ee Wasaaradda kale looga yeedhay iyo qaar ka mid ah shaqaalihii muuqaalka ninkaasi arkay ayaa dibada uwada yaacay wakhti uu ninkaasi fogaaday,waxaana loo maalaynaa deg degga uu ninkaasi u baxsaday in gaadhi uu diyaar ugu sii ahaa oo uu ka qaaday Irrida hore ee Wasaaradda.
Ciidamada CID-da iyo Sirdoonka Qaranka Somaliland ayaa saacadihii u dambeeyay baadi doon ugu jiray ninkaasi weerarka ka fuliyay Wasaaradda Warshadaha.Masuuliyiinta Wasaaradda Warshadaha ayaa Muuqaalka ninkaasi iyo calaamadaha uu lahaa u gudbiyay Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland si ciidanka Amniga iyo kuwa sirtu ugu raadiyaan. Sida ay shaqaalaha Wasaaraddu noo sheegeen,waxa Wasaaradda ilaalin jiray laba Askari balse dhawaan ayaa laga wareejiyay oo laga qaaday waxaana saddexda Wasaaraddood ee kaamboolka ku wada jira wada illaaliya Labada Askari ee looga yeedhay Wasaaradda Dib Udejinta,Waxa ay Masuuliyiiinta Wasaaraddu dhawaan u tageen Taliyaha Bilaysa oo ay soo waydiisteen inuu u keeno laba Askari balse waa uu ka diiday oo waxa uu u sheegay in labadaasi Askari ee Dib Udejinta joogaa ku filan yihiin Amniga Wasaaraddaha Diinta iyo Awqaafta,Wasaaradda Dib Udejinta iyo Wasaaradda Warshadaha.
Lama garanayo sababta uu ninkaasi u weeraray Wasiir ku xigeen balse warar hoose ayaa noo sheegay inay Wasiir ku xigeenka isku afgaran waayeen arimo shaqo oo la xidhiidhaha Warshadaha oo ay ka wada hadleen intaanu hadalku ka taag taagmin.Wasiir Ku xigeenka Warshadaha Md Cali Maxamed Axmed oo aanu telefoonkiisa gacanta Xalay garaacnay si aanu wax uga waydiino arintan ayaanay noo suurta galin in aanu hello.








