Boobe Ina Yuusufoow Afkaad Shalay Ku Amaanaysay Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xukuumadiisa Maanta Noogu Caayi Maysid.

0

Boobe Yuusuf Ducaale  waxaa uu Madaxweyne Digreeto  Madaxweyne ku magacaabay  Bishii March ee saandkii 2012 uu Boobe Yuusuf Ducaale u Magacabay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Somaliland mudo markii uu xilkaasi hayey  Madaxweynuhu wuxu gartay sida dabci xileedka qaranku yahay dastuurkuna faraayo inuu xilka ka qaado  Bishii 29 August 2012, boobe waxaa uu aad uga cadhooday  xil ka qaadistiisa, waxaana uu miciinsaday inuu been abuur ka sameeyo madaxdii qaranka ee wakhtigaasi joogtay oo qaarkood uu kusoo eedeeyey inay  cajalado ka duubeen se arintaasina  ay beenowday ka dib  markii dadkii uu makhraatiyada gashaday isagu ay sheegeen inaan arinta boobe waxba ka jirin,

Booobe waxaan leeyahay  maalintii aad xukuumada Siilaanyo ka mid ahayd waadigii amaanaayey  meelkasta lahaa xukuumada amaan bay mudan tahay,  xilka qaranka ayaa ah qori isu dhiib  Madaxwynenuhuna xaqbuu u leeyahay inuu hadba cida uu doonayo u igmado, balse cadhadii aad ka qaaday xil ka qaadistaadii waa mid saamayn ku yeelatay shikhsiyadaada waayo kursiga labaad dhalan ee maalinbaad timi maalina waad ka tagi lahayd maaha inaad habeen iyo maalinba canbaar warbaahinta ula soo fadhiisato xukuumadii aad shalay ka midka ahayd.

Dhaqan iyo siyaasad midna maaha inaad aflagaadayso hogaamiye aad shalay la shaqaynaysay  oo aad ku amaanaysay markii aad wasiirak ahayd oo aad ka difaacaysay weedhaha uga yimaada mucaaridka, basle waa ayaan daro inaad markii aad xayndaabka xukuumigaa ka baxday aad soo caydo, waxaana ay ka mid tahay dhaqan xumada aad kusoo kordhisay siyaasada, miyaanad ogayn inuu siilaanyo siyaasi kaa dhigay iyadoo islaantaadu siyaasada kaa mabnuucday sida aad adigu sheegtay.

Tan iyo maalintii xilka laga qaaday Boobe Yuusuf Ducaale wuxuu  caadaystay aflagaado aan kala joogsi lahayn taasi oo uu qoraal iyo muuqaalka kusoo baahiyo , waxaana uu caan ku noqday  dhaliilaha dawladii uu shalay ka midka ahaa iyo cayda Madaxweynaha Qaranka, isagoo adeegada erayo iyo hadalo aan saxaafada ku fiicnayn in qof Madaxa ama siyaasiya loo mariyo,  sidoo kale waxaa uu soo qoraa  kuna hadlaa eryo aanay banaanayn adeegsigoodu kana baxsan  hab nimaadeedka siyaasada mucaaridada ah taasina waxay makhraati u tahay aqoon la,aanta haysata  Boobe iyadoo marag ma doon tahay  Saddex sano oo laga joogo xil ka qaadistiisii inaanay wali cadhadii ka bi,in ee la miir doorsan yahay.

Waxaan leeyahay Cabdiraxmaan  Yusuf Ducale oo ku magic dheer Boobe  adoo siyaasada 2012 uu Madaxweyne siilaanyo kusoo geliyey kuguna sharfay Xil qaran hadii aad waajibaadkaagii kasoo bixi waday oo xilkii qaranka lagaa qaaday waa kuu sumcad xumo waana kuu abaal daro Hogaamiyihii qaranka  iyadoo la oga  wixi markii aad xilka ka tagtay ku samaysay hadana inaad ugu darto cay iyo aflagado aan kala joogsi lahayn oo aad habeen iyo maalinba lasoo taagan tahay  Warbaahinta  kala duwan .

Cali Xasan

calixasan806@gmail.com