Arabiyo News Network – Allaah haw u naxariistee Guddoomiye Ku Xigeenkii Koowaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Aadan Jaamac Hoori ayaa geeriyooday.
Marxuumka oo ka mid ahaa siyaasiyiintii ka soo qayb galay dib u dhiska qaranka ayaa geeridiisa laga soo sheegay Imaaraadka carabta.
Murashaxa Jagada Madaxweyneha ee Xisbiga UCID ayaa shacabka ka tacsiyadeeyay Geerida Marxuumka, waxaana qoraal kooban oo uu sagalnews oo gaadhsiiyay uu u dhignaa sidan
Waxaan halkan tacsi uga dirayaa Qoyskii iyo qaraabaddii uu ka geeriyooday Gudoomiye ku xigeen kii koowaad Ee Xisbigga UCID Aadan Jaamac Hoorri. Ilaahay naxariistii jannaddii ha ka waraabiyo Gudoomiye Hoorri OO in muddo ahba ku xanuusanaayey dalka Emaaraadka. Waxa uu gudoomiyahu door hor leh Ka Soo qaatay tartankii Golaha deegaanka iyo inuu Ucid mar kale noqdo xisbi qaran. Ilaahay qabriga haw nuuriyo, waxa uu ahaa shakhsi daacadda.
Arabsiyo Office








