Hargeysa (AN) Labadii weriye ee ahaa Masuuliyiinta Wargeyska Madaxbanaan ee Hubsad oo 3 Maalmood iyo Badh ku xidhnaa xarunta Ciidanka Dambi-baadhista Somaliland ee Hargeysa CID, ayaa goor dhaweyd la sii daayey.
Labadam weriye oo kala ahaa Mulkiilaha wargeyska Hubsad ahna Agaasimaha Bulshotv Cabdirashiid Nuur Wacays iyo Tifaftirihii Wargeyskaasi Siciid Khadar Cabdilaahi, ayaa lagu guulaystay in laga sii daayo xabsiga, ka dib dedaal dheer oo ay u galeen Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja.
Iyo warbaahinta Madaxbanaan ee Somaliland ,Waxana lagu heshiiyey in kiiskan lagu haystaa uu ka socdo maxkamadda oo sharciga lala maro, iyagana lagu sii daayo damiin.
Sidasina waxay Marlabaad Ku Helen Xoriyadoodii .
Arabsiyonews.com
Hargaysa Office








