WASIIRKA WAXBARASHADA SOMALILAND OO SHEEGAY INAY MAXKAMADA SOO TAAGI DOONTA 9 MACALIN

0

Hargeysa (AN) Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare Cabdillahi Ibraahim Habane, ayaa sheegay in dib u habayn balaadhan lagu samaynayo dugsiyada waxbarashada Somaliland, isla markaana wuxuu si gaara uga hadlay dugsiga Qudhac dheer oo sheegay in dhawaanahanba khilaaf ka dhex taagna Macalimiinta iyo Maamulka Dugsiga.

Wasiirka oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Waxa waalidka la faraya inay la socdaan waxbarashadda ubadkooda, masuuliyadda wax barida iyo cidda wax u dhigaysa waa xilka wasaaradda iyo xukuumadda. Iyaga waxa laga rabaa eedabtooda iyo waxa loo dhigayo inay la socdaan, ubadkooda cidda adeegsanaysan inay ka ilaashadda oo xog dhab ah u ahayaan ayaa looga baahan yahay, oo in la isgarabsaddo waalid iyo macalin iyo maamulaba oo sidaas baa dhibaatadda lagaga gudbi karraa

Sidoo kale, Wasiirku waxa kale oo sheegay in gudi loo saaray balse gudidaas aanay wax go’aamo ah ka keenin khilaafka macalimiinta iyo maamulka u dhaxeeya “

“Maanta (shalay), markii aanu shirka ka nimi gudoonka waxbarashadda gobolka maroodi-jeex qaybtiisa beri ayaanu ku tashanay 1- maamulihii dugsiga Qudhac-dheer Jamaal Aw-Cali Cilmi wax loo bedelay Dugsiga Guryo samo ee hoose/dhexe iyada oo aanu ku amaanayno sida fiican ee dugsigaasi u dayactirnaa, Khadar Ibraahim Cali waxaa loo bedelay Dugsiga Qudhac-dheer. Macalimiintan oo ka kooban sagaal waa kuwa fidnadda dugsiga ka dhaliyay ee laga fadhiisan waayay oo 45 maalmood ayaa arrinkoodii dhinacna loo saari waayay, waxaanu u gudbinay ciidamadda baadhista dambiyadda si ay u baadhan oo cidii dambi leh, dambigooda maxkamad loo soo taago.”

 

Arabsiyonews.com

Hargaysa Office