WAFTI ISUGU JIRA WASIIRO IYO GUDDOOMIYAHA MAXAKAMADA SARE OO HARGEYSA KA DHOOFAY + FARIINTA AY U DIREEN GALMUDUG IYO PUNTLAND

0

Hargaysa(AN)Wafti uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo ay xubno ka yihiinMaxakamada Sare, Wasiirka Qorshaynta, Wasiirka Caafimaadka iyo agaasimaha xidhidhka caalamiga ah ee Wasaarada arrimaha dibada ayaa maanta ka dhoofay garoonka Diyaaradaha ee Hargeysa.

Wasiir Sacad Cali Shire oo intii aanay ka dhoofin garoonka diyaaradaha ee Hargeysa warbaahinta u waramayay ayaa ka hadlay ujeedada socdaalkoodan, waxaanu fariin u diray maamulada gal Mudug iyo Puntland oo ay diriri ku dhex martay Magaaladda Gaalkacayo.

Waxaana hadaladii Wasiir Sacad Cali Shire ka mid ahaa “Inagu mar kastaba waxa aynu doonaynaa in gobolka lagaga noolaado nabad, Somaliland, Somalia, djabouti, Kenya iyo Ethiopia-ba oo ay xasilooni ka jirto, waxaanan ugu baaqaynaa dadkaasi walaalaha in ay nabada ilaaliyaan, wixii khilaafaad ah ee dhexdoodana jirana ay ku dhamaystaan wada hadal.

Sidoo klae waxa uu faahfaahiyay ujeedada socdaalka ay ugu baxeen dalka Kenya, waxaanu yidhi “Ujeedada Socdaalkayagu waxa weeye in aanu la kulano, safaaradaha iyo Hay’adaha aynu wada shaqaynta la leenahay xaga horumarka.

Waxaanan kala hadli doonaa sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga naga dhaxeeya labadeena, inta aanu halkaasi joogno ka sokow waxa aanu fursada uga faa’iidaysan doonaa in aanu la kulano jaaliyada Somaliland ee dalkaasi, waxaanan isla eegi doonaa sidii loo tayayna lahaa xafiiska Somaliland ee dalka Kenya” ayuu yidhi