GUDOOMIYE CABDIRAXMAAN CIRRO IYO AFHAYEENKA XISBIGA WADDANI XILDHIBAAN IBRAAHIM MAHDI OO KHILAAF XOOGANI KALA IRDHEEYAAY

0

Hargeysa (AN) Afhayeenka Xisbiga Wadani Ibrahim Mahdi Buubaa Oo Ahaa xubnaha ugu firfircoon Xisbiga Wadani Ayaan ilaa iyo Hada meel uu Jaan iyo cidhib dhigay aan la haynin Kana muuqan goobaha uu Odaygu fadhfadhiisto iyo Sidoo kale Fagaarayaasha uu Hadlo.
Ibraahim Mahdi Buubaa Oo Xitaa difaaca Xisbiga iyo Sharafta Gudoomiye Ciro U Soo maray Dagaalo Badan oo Gacan ka hadal ah iskaba daa dagaalkaase Ku mutaysatay Difaaca Ciro in uu Xabisga Liinta Ku cabo Ayaa waayadan isagu ka gaabsaday in uu Ka muuqdo joojiyeyna la socdkii Cabdiraxmaaan Ciro kadib markii khilaaf Xoog badan oo La isku dayey in dawo loo helo uu Ka dhex Qarxay Sidoo Kalena kala Erdheeyey isaga iyo Horjoogaha Xisbiga Wadani.

Warar Hoose xogogaal ah oo Warbaahinta Togaherer Ay heshay ayaa Daaha ka rogaya in Khilaafkan oo Jiray In mudo ah ahaana Nabar Hoostiisa milil ku jiro Ayaa ka bilaabmay Kadib markii uu Afhayeenka Wadani Md Buubaa Dhawr Jeer Cabasho Ka muujiyey Una Gudbiyey Cabashadan Gudoomiyaha Wadani Ciro Taas oo Salka ku haysay in Xilkan uu ku magacaaban yahay Loo gacan dhaafo Oo Awoodiisii ay maroorsadeen  Anayna isku garbo duubeen niman ku Hareeraysan Odayga Oo lagu sheegay in ay yihiin Muqarabiinta Ciro iyo Mus dambeedkiisa. Sidoo kale Cabashadan ka soo yeedhay Xubintan Tiir Dhexaadka u ahayd Xisbiga ayaan Gudoomiye Ciro Dhag jalaq u siinin Uuna Dhagaha ka furaysatay. Arintan ayaa ay isku dayeen dhexdhexaadinteeda Xubno badan Oo ka soo kala jeeda Labada Dhinaca Ee ( Habaryoonis iyo Cidagale) Kuwaas Oo Tiroba Dhawr jeer ay Ku guul Daraystay in ay Damiyaan Khilaafkaa ka dhex abuurmay labadan masuul.

Khilaafka labada Masuul ee Mudada Dheer Saaxiibka Dhaw Ahaa Mudana meel kaga wada ridaayey Arimaha Xisbiga Sidoo kalena Mr Buubaa Godobo Badan uu ka urursaday Rag Saaxiibtinimo dhaw ama Tolba ahaayeen Ayaa Noqday Banzin dab lagu qabtay kadib markii Uu Buubaa, Ciro uu Ku Marti Qaaday Soo dhawaynta Pro Ismaaciil Buubaa Oo Adeer ah Ibrahim Buubaa Ahna Siyaasi miisaan Culus ku leh Gayiga Somalidu degto siyaasigan oo Ku soo Guryo noqonaayey Dalkiisa hooyo Ayaa la sheegay in Gudoomiye Ciro Uu ka Fadhiistay Jawaabna uga dhigay in uu Ka maqnaado oo aanuu ku Soo Xaadirin Soo dhawayntaas oo Dad badani filaayeen Oo uu Qayb laxaad leh ka qaato.

Xil. Ibraahim Mahdi Buubaa Oo Mudoba Ahaa Raga Xooga u Difaaca Xisbiga Wadani iyo gudoomiye Ciro Ayaa Guud ahaanba Hadeer Gacmaha kala Laabtay Arimihii Xisbiga iyo Shaqadii uu U hayey Kadib markii Arimahaas iyo Arimo kale Oo Hoose Ay lasoo darsee. Ilaa iyo Hadda ayaan la garanayn Xil. Ibraahim iyo Gudoomiye Ciro Halka uu sal dhigan maadama Heshiisiintoda dhawkaa jeer ay fashilmee.
Filo Goordhaw Khilaaf ka ka sii Xoog badan Oo Ka Dhex Qarxay Qaar ka mid ah Madaxda Sar sare ee Xisbiga. Kuwaas oo aanu isku dayi doono in aanu waraysi la yeelano.

 

Xigasho Togaherar