Hargeysa(AN) Maamulaha dugsiga sare ee Dayib Guray, Guuleed Goohe iyo maamulaha dugsiga sare ee Quulle Aadan, Khadar Cabdi Kurtin ayaa saxaafadda u sheegay in ardaydii kaalmaha sare u galay dugsiyadooda dawladda ee ku guulaystay deeqaha waxbarasho la musuqmaasuqay islamarkaana dad aan mutaysan hab beelaysan loo siiyay.
Labadan Maamulo oo masuul ka ah labada dugsi sare ee degmada Axmed Dhagax ee Hargeysa ku yaala ayaa ku doodaya in ardayda markii hore si sax ah loo soo xulay balse wasiiru dawlaha wasaaradda waxbarashadu afduubay islamarkaana si beelaysan ugu daray dad aan mutaysan deeqaha waxbarasho halka kuwo xaq u yeeshayna uu ka saaray.
Eedaymahan oo muddo socday ayaanay wasaaradda waxbarashadu wax war ah ka soo saarin, waxaana jirtay in dhawaan ardaydu la kulantay wasiirka waxbarashada islamarkaana uu u sheegay inaanay jirin deeq waxbarasho ay ka heleen Ethiopia sidaasi darteedna ay deeq waxbarasho uga raadinayaan jaamacaddaha dalka, balse maamuleyaashan ayaa sheegay inay intaasi kadib ogaadeen dadka lagu daray liiska deeqda waxbarasho ee Ethiopia oodiyaar u ah inay Ethiopia u ambabaxaan.
“Wasaarad ahaan iyaga ayaa markii hore liiska noo keenay oo nagu yidhi waa ardaydii aad ku guulaysateen oo siday u kala sareeyaan loo soo dhigay, shahaadooyinkoodiina iyagaaba naga haya oo ilaa Ethiopia u qaaday. Waxaan leeyahay wasiiru dawlaha isagu keensaday Liiska kale een badhkood ahaynba ardaydii dugsiyada sare ka baxday sanadahan ee meel uu ka keenayna aan la garanayn, meel walbana aanu uga cabanay, dhawr jeerna hay’addaha amniga iyo meel walba gaadhsiinay, Nimankaasi(Ardayda) maanta baxayaan, waxaanu madaxweynaha leenahay adigoo ah guddoomiyihii ugu muddada dheeraa SNM ayaa maanta dugsiyadii mujaahidiinta loogu magac daray hoostaada lagu dulmiyayaa oo wixii ay heleen niman kale oo qabiil lagu keenay lagu bedelo, taasina mid dhacaysa oo aanu yeelayno maaha. Wallaahi baanu ku dhaaranee inaanan yeelahayn, waxbana ka soconahayn, nimankaasi hadday baxaana wixii halkaas ka dhaca wasiiru dawlaha wasaaradda iyo guud ahaan wasaaradda waxbarashada ayaa ka masuul ah,” ayuu yidhi Guuleed Goohe.
Guuleed Goole wuxuu ammaanay wasiirkii hore ee waxbarashada Prof Faarax Cilmi Geedoole iyo madaxa xafiiska Imtixaanaadka Daa’uud gadhweyne oo markii hore si saxa u soo saaray liiska ardayda ugu saraysa ee helay deeqaha waxbarasho “ Waxaan ammaanayaa wasiirkii hore ee waxbarashada iyo guddoomiyaha imtixaanaadka oo si caddaalad ah oo ah sidii ardaydu u kala saraysay markii u hore u soo saaray laakiin, laga afduubay nimana qaybsadeen. Waxa weeye wax badan baanu ognahay. Waxaan leeyahay ardaydayadii aanu ku nidhi haddaad dadaashaan deeq waxbarasho ayaad helaysaan wallaahi inaanay anaga na dul joogayn oo aanay na dul meeraysanayn. Basabooradoodii waa kuwa yaala laanta socdaalka, waxaanu leenahay haddii nimankaasi baxaan wixii halkaas ka dhaca idinkaa ka masuul ah
Arabsiyonews.com
Hargaysa Desk








