Hargaysa(AN)-Xoghayaha warfaafinta ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Boobe Yuusuf Ducaale Oo Maanta Warbaahinta Kula hadley xarunta dhaxe ee xisbigaasi ku leeyahay magaalada hargeysa ayaa waxaa uu ka Hadley odayaal la sheegay in ay ka qeyb qaadan doonan wada hadalada u dhexe labada dal ee Somaliland iyo somaliya.
Xisbiga waddani waxaa uu xukuumada Somaliland uga digay in ay wada hadaladaas ay gacanta u galiso dad aan loo igmanin in ay hawshaasi galaan








